Saturday, November 29, 2014

Eng. Faysal Cali Waraabe: Maxaa Daal la korodhsaday”

Guddoomiyaha UCID oo Niyad ka muujiyay Siyaasadda Somaliland, Siilaanyo-na Shirweyne Qaran ugu baaqay..

faysal niHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda dalku marayo, waxaanu sheegay inay meesha ka baxday dhowrsanaantii Sharciga, dimuquraadiyadii, iyo xoriyatul-qowlkii Shacbigu.

Faysal Cali Waraabe, ayaa iftiimiyay qodobo badan oo uu ku tilmaamay dib u dhacyada u muuqda, sida ku dhaqanka Qabyaalada, waxaanu si cad u sheegay in niyad-jab siyaasaddeed uu dugsanayo.

Waxaanu yidhi “Somaliland Qabiil bay ku noqotay, Maynu Ogaan jirin Komishankaas cid la doortay laakiin,hadda waxaa socota Olole xataa Gudoomiyihii qabiil galay.Asxaabtii baa qabiil gashay, Sharcigii baynu laabnay, waxaynu maraynaa in sidii Reer Miyiga Odayaal ina kala saaraan.Dastuurkii waa jabay, xeerarkii waa la jabiyay Umad aan Rule Of Law(Sharcigu Sarayn) umad ma noqoto.haddaan sharcigu talin waxaynu noqonaynaa Qabaa’il aan sharci ku socon ee xeer jajab ku socda, sidaasna Qaranimadu kuma socoto”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hadda waxaa muuqata iska daa Hiigsigeenii Qaranimo eh in wixii aynu gacanta ku dhignay ee ahaa Xorriyaddii, Doorashooyinkii, Xorriyaddii Saxaafadda,Dhismihii Hay’addaha, wixii baad moodaa inay hadda baaba’ayaan.dib baa loo socdaa, Dhalinyaradii baa qabyaaladii galay,Salaaddiintii baa qabiilkii ku hadaaqaya,Warbaahintii waxaan reer hebel ahayni ka soo bixin maayaan, waxaad moodaa inaynu nahay Umad Jaah-wareertay oo aan Ujeedo lahayn. Ujeedadii umaddan waa laga tagay, qof walba dantiisa ayuu u Ordayaa,markaa aniga waxaa iga muuqda Niyad jab weyn”ayuu yidhi.

"Waxa nasiib darro ah in komishankii Doorashooyinka beeshii Dhexe Guddoomiyihii ay ku tartamaysaa oo la leeyahay beel heblayo ha la siiyo, marka haddii aynu nahay Ummad aan waxba ka taggayn oo wax kasta qaadanaysa Sideebay Beelihii Darafyadu inoola noolanayaan oo xaata Beeshi dhexe aanay wixii ku heshiis ahayn oo Jilib Jilib ay isku haysataa”

Guddoomiyaha Ucid, ayaa sheegay inay luntay Himiladii iyo Istaraatiijiyadii Qaranimo. “Istaraajiyad qaranimo ma socoto, siyaasad qaranimo ma socoto, waxa socota qof walbaba wuxu heli karo in uu boobo, Qabiil isboobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn, marka Dadkii reer Somaliland way isnaceen way is hiifayaan, beelihii kale ee darafyaduna way ina eegayaan, waxaanay inooga baqayaan inaynu gacmaheena ku burburino”.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay Shir Qaran inuu qabto , waxaanu yidhi “haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu Qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad Xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto."

Guddoomiyaha UCID ayaa sidoo kale, si xooggan u dhaliilay Siyaasadda Arrimaha dibada ee dalka, “ma jiro Xafiis qudha oo dibada ah oo si firinfircoon u shaqeeyaa” ayuu yidhi.

Gobanimonews

Hargeysa Office