Wednesday, November 26, 2014

Obama oo Xaaladdu Jiq ku tahay iyo Kacdoonka Madowga Maraykanka?Daawo

Madaxweyne Obama Cadaanka iyo Midowga Maraykanka midkeebuu u hiilin doonaa kacdoonka San Louis?Daawo Khubadiisii

OBAMASWashington (GNA)-Wuxuu ka soo muuqday Shaashadaha Salaasadii shalay xilli hore oo ay rabshaduhu ku sii fideen Gudaha dalka Maraykanka, waxaanu jeediyay khudbad hal-haleel ah oo soxotay Sagaal Daqiiqadood oo xidhiidh ah.

Madaxweynaha Maraykanka Brack Omaba, waxa uu shacbiga reer Maraykan u jeediyay inay isdejiyaan, isla markaana nabad-gelyada ilaaliyaan. “dilka Macheal Brown waxay noqonatay xaalad dalka Maraykanka wada gaadhay, waxa dhamaanteen inagu waajib ah inaynu taageerno go’aanka Xeer-beegtidu gaartay, waxa inala gudboon inaan taageerno Waalidka Wiilka oo aynu quluubtooda dhowrno” ayuu ku yidhi Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka cad, xilli ay dad ka murugaysan go’aanka laga soo saaray Dilka wiilka ameerikaan Madowga ah hor-tubnaayeen Aqalka Cad.

Xaalada kacsan ee Gobolka rabshaduhu ka taaganyihiin ee San Louis iyo Magaalada Ferguson, ayaa u muuqata mid culays ku soo kordhisay aqalka cad iyo dhamaan bulshada Maraykankan oo dhan, sababtoo ay tahay waxay xaaladu u muuqataa mid kala qaybsanaan iyo Cunsuriyad ka dhex abuuraysaa shucuubta dalka.

Halkan ka Daawo Khudbada:



Odoroska Siyaasadda Cakiran ee aqalka cad

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa tebinaysa dooda ka taagan arrintan iyo waxa uu aqalka cad uga jwaabi doono hadii xaaladdu sii xumaato.

Si gaar ah waxay warbaahintu farta ugu fiiqayaan in Madaxweyne Obama ay soo waajahayso xiisad siyaasaddeed iyo mid bulsho go’aan kasta oo uu arrintan ka qaato.

Sababtoo waxa ay tahay hadii uu dadka Madowga ah xuquuqdooda meel uga dhaco, isla markaana uu si cad u taageero xukunka kacdoonnada dhaliyay ee laga soo saaray Dilkii Macheal brown, waxa ay taasi curinaysaa diidmo iyo cadaadis ka soo wajaha dhanka dadka Madowga ah oo u badan Taageerayaashiisa.

Hadii uu rabitaanka dadka cadaanka ah ka hor-yimaadana, taasi waxay ku abuuraysaa xaalad siyaasaddeed oo ka sii qalafsan tan iminka haysata.

Si kastaba ha ahaatee Dadka odorosaha siyaasadda Maraykanka ayaa sheegaya inay qul-qulatooyinka iyo rabshadaha ku sii fidaya gobollada Maraykanku ay sababi karaan isdhac iyo qoomiyaddeed iyo nacayb bulshooyinka ka dhex curta.

Wiilka Madowga ah ee Michael brown, ayaa waxa si badheedh ah u toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Maraykanka Bishii September ee la soo dhaafay, kaasoo 12 Xabbood ku jarjaray, isagoo aan hubaysnayn.

Koox Xeer-beegti Sharci yaqaano ah oo loo saaray inay baadhis ku sameeyaan dilka Ninkan ayaa xukumay inaan dacwad lagu qaadi Karin Askarigii Dilka geystay oo ah Nin cadaan ah.

Gobanimonews

London Office

Email: editor@gobanimonews.com