Thursday, November 27, 2014

Xildhibaan Cago-yare oo Shir-beeleed ku baaqay Hargeysa..Daawo

cago yareHargeysa(GNA)-Xildhibaan Ismaaciil Jamac (Cago-yare) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay in Beesha uu ka soo jeedaa 5 Bisha December kulan isugu imanayaan Magaalada Hargeysa, Hudheelka Xaraf.

Shirka waxa uu ku sheegay mid Siyaaro ah oo ka madaxbanaan arrimaha Siyaasadda, isagoo tilmaamay in ergooyinka ka soo qayb-gelaysaa si shakhsi ah ku imanayaan Shirka, xisbi, xukuumad, Ganacsi ama wax kale haku abtirsadeen camaliyaadkooda caadiga ah, isagoo intaasi raaciyay in looga hadlayo Shirka arrimo khuseeya danaha beesha.

Xildhibaanka Shirka ku baaqay, waxa wehelinayay xubno ka mid ah Odayaasha Deegaankiisa, mase cadda ujeedada ka dambeysa kulanka hudheelka lagu qabanayo ee aan Deegaamada Beeshu degto lagu qabanaynini waxa uu daaranyahay, sida uu u anfacayo iyo jawaabta ay ka bixin doonaan ergada lagu soo casuumay.

Waxaase muuqata inuu Shirkani Yool habaabin ku yahay Shirweynaha Beesha Muuse Abokor dhowr bilood ka hor ku baaqeen oo lagu qabanayo Gobolka Saraar ama deegaamada kale ee Beesha, kaasoo sida muuqata saameyn siyaasadeed ku keenaya mabaadii'da beesha ee dhanka xisbiyada xilligan kala guurka ah.

Siday doontaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee Masuul xil u haya Umadda oo waliba la soo doortay uu Warbaahinta kaga dhawaaqo Shir beeleeed, isla markaana uu hormuud si aan Asturaad lahayn uga noqdo dhaqdhaqaaq noocan ah, tanina waxay muujinaysaa waayo aragnimo la'aan siyaasaddeed iyo masuuliyad daro cadaan ah.

Halkan ka Daawo Shir jaraa'id oo uu qabtay Cago-yare: