Monday, November 24, 2014

War deg deg ah :Dhul gariir laga dareemay Borama

dhul gariirkan oo goor dhawayd si wayn looga dareemay magaalada Borama ayaa ahaa mid siwayn dadku uga argagaxeen, dhulgariirkan oo illaa hadda aan la ogayn inta uu cabbirkiisu ahaa, ayaa sidoo kale  la ogayn khasaaraha dhabta ah ee uu sababay . Qaar ka mid ah  bulshada kunool xaafada kala duwan ee magaalada Borama oo khadka tilifoonka kula hadlay shabakadda Gobanimo ayaa sheegay in ay dhulgariirkan aad u dareemeen, inkastoo magaalada Borama ay  ka mid tahay magaalooyinka dhul gariirku kusoo noqnoqdo ayaa hadana ahayd mid muddooyinkii u dambaysay ka fayoobayd dhulgariir noocan oo kale ah, marka laga dareemo dhulgariirka magaalada Borama waxay dadku aad u xasuustaan dhul gariir silsilad ahaa oo horraantii 1980-kii ku dhulftay magaaladan xilligaas oo uu sababay khasaare naf iyo maalba leh. wixii khasaare  ah ee uu dhulgariirkani sababo dib ayaan idiinka soo sheegi doonnaa hadduu Alle idmo.

Mursal Elmi 

Gobanimonews