Sunday, November 23, 2014

Wareegtooyinka Madaxtooyada Kasoo baxaa ma Magac u Yaal-baa?warbixin

Tirada, NGO-ya Rigliga ah + Guddi-howleedyada Fadhiidka Noqday + Dheeli-tir La’aanta Maamul ee Siilaanyo

Siilaanyo cadhaysanHargeysa(GNA)-Muddo ku siman afar sannadood iyo dhowr Bilood oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka xukumaysay, waxa Qasriga Madaxtooyada ka soo baxay Digreetooyin  mid waliba xambaarsantahay ujeedo gaar ah iyo sumad u gaar ah, oo waafaqsan tix-raaca diwaanka Qoraalada Madaxweynuhu soo saaro.

Digreetooyinkan oo intooda badan sida Warbaahinta lagu soo gaadhsiiyey awaamiir iyo fariimo kala duwan loogu gudbiyo cida ay khusayso, ayaa sida tusbaxa u xidhiidhsanaa tan iyo wakhtigii isbedelka, waxaana qaarkood digreetooyinkaasi lagu tir-tiray Heshiisyo  hore , Xeer-nidaamiyeyaal qaan-gaadh noqday iyo kuwo cusub oo ay xukuumaddu ku aasaastay Hay’addo bilowgii dhismaha xukuumadda kulmiye  la curiyay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Digreetooyin kala dambeeyay ku magacaabay in ka badan Konton Komishan iyo Guddiyo sida magacaabistooda lagu xusay shaqooyin Qaran loo xilsaaray, qaarna  lagu qeexay qaab-dhismeedka Hay’addo Dawli ah oo horey u jiray, kuwo kalena  Miscirir sharci lagu kabay.

Komishannada lagu kordhiyay Hay’addaha Xukuumadda

Marka la kala qaad-qaado Guddiyada, Komishannada iyo Xeer Nidaamiyeyaasha  Madaxtooyada ka soo baxay, waxay kala noqonayaan:- komishanno lagu soo kordhiyay Hay’addaha Madaxbanaan ee dawliga ah,  Guddiyo farsamo oo loo xilsaaray howlo muddo kooban lagu soo afjarayo oo aanu jiritaankoodu cayimnayn  iyo Digreetooyin laga soo saaray qorsheyaasha ku Tasarufka Hantida Ma guurtada ah iyo tan Moodka ah ee Qaranka.

Hay’addaha dhismaha Dawladda uu ku  kordhiyay Madaxweyne Siilaanyo oo ay bulshadu si weyn u saluugsantahay fulinta adeegyada loo dhisay, loona yaqaano Xafiisyada Kulmiye ku dhaladka ah,  waxa ka mid ah, Komishanka  Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa , Komishanka Tiknoolajiyada Qaranka, Komisanka Tayo Dhowrista, Guddida Diwaanka Sekedda Qaranka, Komishanka Tacliinta Sare, Komishanka Dib u habaynta Shuruucda, Golaha Culimada , Xafiiska Mucaawimooyinka Madaxtooyada , Hay’adda Abaabul ka saarka iyo  Hay’ada isku-duwida Mucaawimooyinka WFP .

Hay’addahan oo uu badankooda madaxweyne Siilaanyo magacaabay markii ugu horaysay ee uu talada la wareegay, ayaa ah kuwo ka mid noqday Hay’adaha dawliga ah, loona magacaabay Maareeyayaal iyo Maareeye ku-xigeeno, Guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenno, Agaasimeyaal iyo Guddiyo fulineed Hay’ad walba sida uu yahay Qaab-dhismeedkoodu.

Qaar ka mid ah Guddiyadan iyo Komishanadani ma dhamaystirna aasaaskooda sharci , mana laha  xeer-hoosaadyo qeexaya howl-qabadkooda iyo Aasaaskooda maamul toona, sida uu Wargeyska yool baadhitaan qoto dheer ku helay, waxaana ka mid ah hay’addaha ay wali shaqadoodu qabyada tahay Guddida Culimada oo ah Hay’adihii ugu dambeysay ee Madaxweyne Siilaanyo ku daray Hay’addaha Dawladda ee Rigliga ah , taasoo uu magacaabisteeda kaddib  aanu dhamastirin qaab-howleedkeeda oo dhan.

Waxa kale oo ka mid ah Komishanada sida Diinta gur-guuradka dhisme ku jira, Guddida Tacliinta sare oo sanadkii hore la dhisay,  hadana aan wali talaabo qaadin, dhawaana Xafiiska ka Kiraystay Xaafadda Jig-jiga yar, Guddida Diwaanka Sekedda oo markii la magacaabay  hadal haynteedu u dambeysay, Guddida Dib u habaynta Shuruucda oo wakhti laba sanno ku dhawaad ah dhisan, hase ahaatee ilaa iyo hada shaqadii loo xilsaaray aanay wax iska bedelay jirin iyo Xafiiska Mucaawimooyinka ee Wasaaradda Dib u dejinta oo wali Madaxtooyada iyo Wasaaradda la hoos geeyay mid uu ka tirsanyahay aan la ogayn, balse masuulka madaxda ka ahi uu ka mid yahay Ashkhaasta Qasriga ka dhex arrimisa.

Komishannada kale ee la kowsaday Xukuumaddan ee Kor ku xusan, ayaa ah kuwo Xafiisyo ay ku shaqeeyaan furtay, hase-yeeshee marka loo kuur-galo howlaha ay qabtaan aan waxba kaga duwanayn kuwa aan wali sal-dhigin.

Inta badan hay’addahaasi, may samaysan  Sharci  Xeer-dejinta laga ansixiyay oo ay ku dabaqaan shaqadooda, marka laga yimaaddo Komishanka Maamul Wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa oo Xeerkiisa Goleyaasha Sharci dejintu ansixiyeen, kaasoo markii sharciga aasaaska uu helay fadhiidnimo u xuub-siibtay, halkii laga sugayay inuu daba-gal iyo la xisaabtan ku eekeeyo habacsanaanta xafiisyada dawladda ee bulshada u adeega, isla markaana  uu dejiyo siyaasad lagu maamul wanaag oo Mustaqbalka la higsado, lagana dhaxlo nidaamka talada haya.

Si kastaba haku timaadee, dhamaan Koomishanada iyo guddiyada kale ee  kor ku xusan, ayaan ka jawaabin baahiyaadkii loo  aasaasay,sida uu Wargeyska Yool ku ogaaday baadhitaano saxaafaddeed oo uu si madaxbanaan u sameeyey. hadana waxa sanad kasta qaranka kaga baxda lacag xad dhaafa oo loogu daro miisaaniyada, wallow ay jiraan kuwa aan wali Miisaaniyad u khaas ah helin  oo ay xaajadoodu wareegtadii Magacaabista ku gudhay.

Guddi-howleedyo

Geesta kale, intii uu Madaxweyne  Siilaanyo xilka hayay, waxa uu digreeto ku magacaabay Guddi-howleedyo farsamo oo ay ugu horaysay  Guddigii uu kasoo talo bixinta qaabdhismeedka xukuumaddisa u saaray 10-kii July 12, 2010-kii,  ilaa Guddigii u dambeeyey ee xaqiiqo raadinta tabashooyinka Bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal.

Tiro koob laguma soo uruurin karo Guddiyada uu Axmed Siilaanyo magacaabay, hase-yeeshee labadii sanno ee u horeeyay muddo xileedkiisa waxa uu  sidoo kale furdaaminta caqbaado la soo dersay iyo Mashaqooyin qaran oo dalka ka dhacay uu xalintooda ama u kuur-gelidooda u saaray 21 Guddi, kuwaasoo kala ahaa sidan:

1.Guddigii kasoo talo bixinta qaabdhismeedka xukuumadda 10-kii July 12, 2010-kii.

2 Guddigii ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalkooda

3.Guddigii qabanqaabada xaflada xilwareejinta 12July 12, 2010kii


  1. Guddigii kasoo talo bixinta tabashooyinka gobollada bari 15kii Augost 2010-kii

  2. Guddigii xaqiiqo raadinta maleeshiyadii ONLF ee kasoo dagtay xeebaha galbeed ee Somaliland 12 September 2010-kii

  3. Guddigii qiimaynta maxjarada Caafimaadka xoolaha ee Berbera loo saaray horaantii January 2011-ka

  4. Guddigii qiimaynta heshiisyadii warshada Sibidhka Berbera November 2010-kii

  5. Guddigii shaqaadadii Kalshaale daminteeda loo magacaabay February 2011-ka

  6. Guddigii xalinta khilaafkii deegaanka Ceelbardaale ee gobolka Gabiley March 2011-ka

  7. Guddigii baadhista ee loo xilsaaray Diyaaradii hubka u siday Puntland ee Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa March 2011-ka

  8. Guddigii loo xilsaaray khilaafkii wasaaradaha maaliyada iyo kaluumaysiga ee la xidhiidhay maamulka dakhliga dekada Berbera

  9. Guddigii xalinta khilaafkii Jaamacada Hargeysa ka aloosmay.

  10. Guddigii baadhista guryihii xaafada New Hargeysa lagu gubay March 2011-ka

  11. Guddigii gogosha madaxweynuhu u fidiyay shirkii nabadeed ee deegaanka Widh-widh ee Sool lagu qabtay June 2011-ka

  12. Guddigii tiro koobka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada.

  13. Guddigii loo saaray qiimaynta iyo taakulaynta abaarihii dalka ku habsaday horaantii 2011-ka.

  14. Guddigii kasoo talo bixinta furista ururada siyaasada 12 April 2011-ka

  15. Guddigii loo saaray dhamaystirka biriishaka labaad ee Caasimada January 2011-ka

  16. Guddigii nabadeynta gobollada Bari iyo hir-gelinta Gogosha nabad ee isla 2011kii uu saaray.

  17. Guddigii bedalaada lacagta Giimbaarta ee ka socotay gobolka Togdheer

  18. Guddigii loo magacaabay Haamaha shidaalka Berbera baabiintii heshiiskii shirkada Totol ee maamuli jirtay horaantii May 2011.



Guddiyadan oo magacaabistoodu marxaladdo ku fadhiyeen ayaan  badankoodu wax natiijo ah oo ku taxaluqa howlaha loo  xilsaaray aan shacbiga loo soo bandhigin, isla markaana qaarkood shaqadii loo diray qabyo Qaranka u tahay.

Labadii sanaddood ee dambe ( 2012-ilaa 2014) waxa kale oo uu Madaxweynuhu magacaabay Guddi-farsameedyo la mid ah kuwan aynu kor xusnay, waxaana ka mid ah:-

1-Guddiga  ka hortaga Aafada Tahriibta Dhalinyarada.

2- Guddiga Maamulka iyo Iibinta Hantida ma guurtada ah ee Qaranka, gaar ahaan Dhulka iyo Dhismeyaasha Dawladda.

3- Guddigii ka soo talo bixinta Hay’adda Korantada dawladda ee Caasimada

4- Guddigii Iibinta iyo maareynta Iskaraabka Qaranka

5- Guddiga derejooyinkii Ciidamada la siiyay

6- Guddiyadii  soo afjarida Shaqaaqooyinkii ka dhacay, Gowso-weyne, Baliga Diiriye Guuleed, Caynabo, iyo Deegaamo kale oo dalka ah.

7- Guddida Dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Guddiyo kale oo tiro badan.

Guddiyaddan dambe ee uu madaxweynuhu  arrimaha loogu magac daray u xilsaaray, ayaan iyaga laftoodu wax tar iyo faa’iido looga aayey aan soo kordhin ilaa iyo hada , iyadoo miisaan ahaan shaqooyinka loo diray kaba muhiimsanaayeen kuwii hore.

Tusaale ahaan Guddigii Joojinta Tahriibka iyo Shaqo abuurista dhalinyarada, ee uu sanadkii 2013-kii magacaabay, lama yaqaan waxay qabteen iyo wax isbedel ah oo ay ka sameeyeen Sibiq-dhaqaaqii dhalinyarada ee heega goostay. Sidoo kale Guddidii uu u xilsaaray Uruurinta Iskaraabka ee uu faray inay wixii Dakhli ka soo baxa siiyaan Ciidamada Qalabka sida ayaan jawaab dambe ka soo noqonin muddo laba sanno ku sii durkaysa, jirina ilaa hada Shillin maaliyaddeed oo ay Ciidamada ku wareejiyeen, iyadoo ay wali sii socoto Xatooyadii lagu hayay Iskaraabka dalku.

Dhinaca kale, inta badan Guddiyada Madaxweyne Siilaanyo u magacaabo xalinta Khilaafyada iyo shaqaaqooyinka Bulshada ayaa noqda kuwo aan hoodo iyo ayaan toona ku yeellan daminta Mushkiladaha loo door moodo xalkooda,waxaana taasi tusaale u ah sida aanay u fulin qaararada ay ka soo saartay xukuumaddu mashaqooyinkii dhacay afartaa sannadood iyo dheeraadka.

Xeerar Madaxweyne oo qabyo

Dhinaca kale, Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Xeer-amarreedyada uu digreetooyinka  ku soo saaro Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa inta badan  dhaqan-galkoodu noqdaa hal-bacaad lagu Lisay, si la mid ah Guddi-howleedyada ujeeddooyinkii  loo magacaabay aanay jawaabtu ka soo noqon ee lagu hungoobo.

Digreetooyinka Madaxweyne ee lagu hindisay Awaamiirta xeer, waxa ka mid ahaa Wareegtadii Telefishanka Qaranka lagaga hoos-saaray Wasaaradda Warfaafinta ee lagaga dhigay Hay’ad madaxbanaan oo Xeer iyo qaab-dhismeed u gaar ah leh madaxweynuhu ku dhisay,  taasoo aan ilaa hada dhaqan-gelin, isla markaana isku sii cayn iyo bayd goysay murugii Maamul ee sababay khilaafka Wasaaradda ee aan dhamaadka lahayn.

Waxa kale oo ka mida wareegtooyinka sharci ee Madaxweynuhu soo saaray , balse aan ficilka loo bedelin, Wareegtadii uu Hay’addaha madaxbanaan qaarkood ku hoos-geeyay Wasaaradaha iyo Digreetooyin isburiyay oo uu ka soo saaray boobka Dhulka dawladda iyo goobaha ka caagan rayidka oo ay ka mid yihiin Deegaamo uu u aqoonsaday sal-dhigyo milateri bar-kuma taal amarkiisa laga soo qaaday.

“Dhamaan saameyn la’aanta Digreetooyinka Madaxtooyada ka soo baxa,  fadhiidnimada Guddiyada aan xadka lahayn ee ujeedooyinka loo magacaabaa faashilka ku dambeyaan iyo  Komishannada magac u yaalka ah ee Hay’addaha dawladda Dul-saarka ku ah , waxay astaan u yihiin Gol-daloolooyin maamul xumo oo  xadka ka baxsan iyo hogaan la’aan ragaadisay waaxda fulinta ee Qaranka, sida ay aaminsanyihiin ku-xeel-dheerayaasha maamulka iyo dawliga ah oo aanu arrimahan wax ka waydiinay.

Waxaana intaasi dheer wada-shaqayn la’aan iyo isla-jaan-qaadis la’aan bariinsatay Hay’addaha dawladda oo ay ku jiraan kuwa Kulmiye ku-dhaladka ah ee an  kor ku soo xusnay.

Waxaanay Caqabadahaasi  ilaa markii xukuumadda kulmiye talada la wareegtay soo jiitamayay, Haan gun la’ ku rideen horumar kasta oo laga sugayay hogaanka sii galbanaya ee dalka xukuma iyo Haykalkii dawladnimo ee dheeliga-tirnaa oo isu bedelay Xafiisyo NGO-yo ah oo mid waliba meeshuu dantiisa ama dhaqaale uu ka helayo Madax-madax u gelo, iyadoo aanu jirin ixtiraam shaqo iyo wada socod ka dhexeeya Wasaaraddaha dawladdaha badankooda, balse mid waliba ku foogantahay sidii ay Mashaariic aan lala wadaagin masuuliyiinta ugu saraysa u heli lahayd.

Mark ay sidaasi tahayna ma muuqdo higsi Maamul oo lagu halbeegsan karo yihdi-diilo iyo isbedel lagu sameeyo gol-daloolooyinka Jahawareerka abuuraya ee ku gedaaman xarumaha Bulshada loogu adeego oo dhan.

Waxa diyaariyay: Wariye Saleeban Kalshaale

Gobanimonews Editor/ Yool Group

Hargeysa

Email: editor@gobanimonews/ curad1986@hotmail.com