Tuesday, November 25, 2014

Fiintu waxay ka qaylisaa Jirka soo socda

SacadWaxa maalintii shalay War Baahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa La hadlay


Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan


Islamarkaana ka hadlay xaaladdo kala fog hadaba sidaa wada daawanayseen


Waxa uu Mudane Saleebaan ka hadlay arimaha Doorashooyinka Somaliland oo mudo kordhin loogu sameeyo xukumada hada jirta waxaanu ganafka ku dhuftay wax mudo kordhin la yidhaahdo oo xukumadan u samayn doonaan waxaanu yidhi ma jirto wax mudo kordhin ah oo ay u samaynayaan Xukumada Axmed Siilaanyo Golaha Guurtidu ee waa hadal suuqa laga yidhi




Hadaba waxa la yaaba waxayabaha uu ka hadlaayo Marka uu Gudoomiyaha Golaha Guurtidu leeyahay Mudo Kordhin Ma Samaynaynee Doorashadu waxay Dhacaysaa wakhtigeedii Isagu Ma Gudidii Doorashooyinka Ayuu wakiil ka yahay




Taas Maan fahmin anigu waxanan u arkay nin Geel kale ku heesaaya




Hadaba Marka Taa laga yimaado Mudane Saleebaan waxa la waydiiyay Su.aal kale oo ku saabsanayd wada hadalo ay xukumada somaliland la furto Cali Khaliif Galaydh




Taasna waxa uu uga jawaabay si ka baxsan luuqada siyaasada waxana uu ka jawaabay isaga oo dareenkiisu bedelanyahay


Hadaba su aashaana marka la waydiinaayo isagu ma Wasiirkii Arimaha Debedaa




Walee anigu waan ka shakiyay Hadalkaase Cali Khaliif Ma Kursiga Saleebaan ayaa lagu soo dhawaynayaa


kolay Saxaafadu waxbay ogtahay Dadkuna Dareen ayay ku dhalisay




Waxana ay xaaladu taagantay Fiintu Jirka Soo Socda Ayay kasii qaylisaa




By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky




Qalin Ku Difaac Grouo