Sunday, November 30, 2014

Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil oo la furay

DAHABSHIILHargeysa(GNA)-Cirka oo aan daruur lahayn iyo Uumiga Cad-ceeda Qaboonada subixii awgeed, ayaa la dareemayay waxoogaa Diirimaad ah ama Kulayle Aroorreed qoraxdu marka ay Wajiga kaa qabato ku gubayso.

Jidka wadnaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ahaa mid aad u mashquul ah oo ay Baabuurta iyo Dadku isu dhaafayaan sida xayn-xoolaad oo kul kulantay Sow yar oo biyo mareen ah, waxaana wadada hareereheeda oo dhan taagnaa Ciidamo Boolis ah oo tiro badan, kuwaasoo la dhigay Is-dhamaan Waddooyinka ku kulma Barxada Afar Ridoodka ah ee Sal-dhiga dhexe Caasimada.

Boqolaal Qof oo u badan dadka bilaa camalka ah u soo daawasha tegay furitaanka Dhismaha Bilicda iyo Muuqaalkasan ee laga yagleelay Bangiga Ganacsiga ee Shirkadda Dahabshiil oo ah, Bangigii ugu horeeyey ee bixiya Adeegyo Caalamiya oo laga furo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xadhiga ka jaray furista Bangiga Dahabshiil, kaasoo bixinaya dhamaan adeegyadii Bangiyada Caalamiga ah, sida ay kaga dhawaaqeen Munaasibada daah-furka Masuuliyiinta Shirkadda Waddaniga ah ee Dahabshiil.

Munaasibada Furitaanka Bangigan oo lagu qabtay mid ka mid ah Dabaqyada sarta uu ku yaallo Bangigu, ayaa waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka kala socda laamaha dawladda, Ganacsato, aqoonyahano, Culimo-awdiin, Madaxdhaqameedyo iyo Marti-sharaf kale.

Maamulaha Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil Siciid Maxamuud Cali (Gar-seef), oo Munasibadaasi hadal dheer ka jeediyay, ayaa ka waramay adeegyada kala duwan ee uu Bangigani bixinayo, waxaanu tilmaamay in ku dhaqanka Shareecada Islaamku udub dhexaad u tahay aasaaska Bangiga, adeegyada uu bulshada u qabanayaana yihiin kuwo baahi weyn waddanku u qabay.

Siciid Garseef, ayaa sheegay in Bangigan Dahabshiil muddo sanad ah oo uu ruqsad haystay waddanka ka shaqaynayay, muddadaana maal-gelin ku sameeyay Dad gaadhaya 769 Qof oo ka kooban dhamaan Dabaqadaha Bulshada Somaliland “Muddo sanad gudihii ah oo uu Bangigan Dahabshiil shaqaynayay waxa uu bixiyay Dhaqaale Maal-gelineed oo dhan todobaatan Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah(70,000,000.00), taasoo lagu maal-geliyay dad 769 oo qof “ayuu yidhi Siciid Maxamuud Cali.

“Adeegyada Bangigu waxa ka mid ah , Dhigashada lacagta, dirista Lacaga Ganacsiga, Maal-gelinta Ganacsiga, bixinta daymaha oo ah Hanaanka Micro finance-ga,...waxaanu Bangigu hada suurto-geliyay in adeegan la gaadhsiiyo Dadka ka baxsan Magaalooyinka”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo isaguna munaasibadaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Bangigan Caalamiga ah ee dalka laga hir-geliyay, waxaanu sheegay intaasi raaciyay in Bangiyada noocan ahi kaalin mug leh ka qaataan koboca Dhaqaalaha dalka iyo Sugnaanta Maaliyadeed ee Maxaliga ah iyo horumarka Ganacsiga.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo gabagabadii Xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu adeegyada Bangigan cusubi bixinayaa ay door lixaadle ka qaadanayaan dhismaha iyo horumarka waddanka, soona dhaweynayaan xukuumad ahaan cid kasta oo waddanka Maal-gashi ka samaynaysa.

Madaxweynaha ayaa si kooban u sheegay “Bangigan cusubi wuxuu kaalin weyn ka qaadanayaan horumarka Dhaqaalaha” ayuu yidhi Siilaanyo.

Waxa kale oo xafladda khudbado ka jeediyay Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo Cabdi-waraabe ku magac-dheer, Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasoo si isku mid ah u soo dhaweeyay furitaanka adeegyada Bangiga Caalami ee Dahabshiil.


  1. Kalshaale



Gobanimonews

Hargeysa Office