Monday, November 24, 2014

Daraasad Caafimaad Oo Daaha Ka Rogtay Khatarta Caafimaad Ee Ku Jirta Cunista Badan Ee Sonkorta

bbbb26(GNA)Isticmaalka sokorta badan waxaa ay halis ku tahay qofka jidhkiisa iyo caafimaadkiisa, sidaasi waxaa xusay warbixin laga diyaariyay daraasad ay soo saareen seynisyahano u dhashay dalka Mareykanka.

 

Daraasaddan ayaa waxaa u kuur galay soona saaray Dhakhtar ka soo jeeda Mareykanka, waxaa kaloo ay xuseen dadka badankii in aaney ku baraarugsaneyn halista ay leedahay isticmaalka badan ee sokorta.

 

Warbixintan oo lagu soo daabacay bogagaga shabakadaha caafimaadka waxaa ay ka ku baaqday in aad looga taxadaro sokorta badan maadaama ay ka dhashaan cuduro aad halis u ah.

 

Saynisyahanada ayaa kula dardaarmay dadka inay iska yareeyaan sokorta sida: sharaabka laqooshto (in aan lagu badin sokorta iyo raashiinka intuba), taa soo ah mida keliya ee lagu yareyn karo halista dhanka caafimaadka ee sokorta ay leedahay.

 

Saynisyahanadan soo saray darasaddan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Mareykanka, waa dhaqaatiir ku xeel dheer culuumta cafimaadka.