Wednesday, November 26, 2014

Booliska Hargeysa oo Xidhay Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dhalinyarada Jiidali

askarisHargeysa(GNA)- Ciidanka Booliska ee Caasimada Hargeysa ayaa goor dhaweyd xidhay saddex xubnood oo ka mid ah Hogaanka Ururka JIIDAALI.

Xoghayaha Dalada dhalinyarada ee JIIDALI Cabdikariin Maxamed Cumar, Afhayeenka ururka Faysal Cumar Madar (Fayal qumuj) iyo Cabdi Bedel oo ka mid ah Xubnaha sar sare, ayaa  laga qabtay Hotel Crown ee Magaalada hargeysa oo ay ku qabsanayeen Ururku Kulan ay uga hadlayeen xadhiga Guddoomiyahooda oo xidhan.faysal Qumuj

Bilayska ayaa is-hortaagay kulanka dhalinyarada ka hor intii aanay xidhin xoghayaha, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal, waxaanay dhalinyaradii halkaasi isugu yimi diideen inay joojiyaan shirka, xorna ay u yihiin kulamadooda caadiga ah.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Bilaysku qabteen Xoghayaha, isla markaana halkaasi ka soo qaadeen, iyadoo howl-galkaasi ay fuliyeen Ciidanka RRU-da loo yaqaano.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Amniga  iyo Wasaaradda arrimaha gudaha oo la xidhiidha xadhiga Muwaadin dhalinyarada ah, hase ahaatee waxa hore xabsiga loogu taxaabay laba todobaad ka hor Guddoomiyihii Daladan dhalinyarada isbedel doonka Siyaasiga ah ee JIDAALI, kaasoo wali xidhan, wax maxkamad ahna aan la hor keenin.

Madaxda Asxaabta Siyaasadda Somaliland ayaa cambaareeyay xadhiga xukuumaddu u geysanayso dadka afkaartooda siyaasiga ah cabiraya iyo dhalinyarada isku tashiga ku foogan.