Friday, November 28, 2014

Somaliland: Xukuumaddu ma waxay Mucaarid ku tahay Nabad-gelyada iyo xoriyada?

Hargeysa: Basle Qudha lagaga jaray Tooray, 7 jir la Gowracay, 60 jir gabadh uu dhalay Dishay , Dhalinyar Siyaasad loo xidhay iyo laamaha ammaanka oo Afka xidhay..

[caption id="attachment_91278" align="alignleft" width="300"]Waran Cadde oo kenya u safaraya Waran Cadde oo kenya u safaraya[/caption]

Hargeysa(GNA)-fal-dambiyeedyo argagax badan abuuray, oo aan ugub ahayn, balse si is-daba jooga ah u soo gaadhay dhegaha Bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, kuwaasoo hadal-hayntoodu ku baahday dalka oo dhan.

Dhacdooyin Dilal ah

Dhacdooyinkan, ayaa heerka Argagaxoodu dheg-ka maqalka iyo Il-qabatinkaba naxdin iyo anfariir isku mid ah dadku ka qaadeen , waxaana ka mid ahaa Gabadh Labaatan jir ah oo gacanteeda ku dishay Aabbeheed, Wiil da’diisa lagu sheegay todoba jir oo uu Qorta Mindi kaga jaray Nin ka mid ah Eheladiisa, Darawal Bas oo Dhuunta ka lisay mid ka mid ah Guddida Iskaashada Basaska u baxa Xaafada New Hargeysa iyo Booliska Hargeysa oo Xabsiga ku guray shan ka mid ah hogaanka Ururka Dhalinyarada Jiidali oo ku gacan saydhay joojinta kulan ay ku cambaareynayeen xadhiga guddoomiyahooda oo todobaad in ka badan xidhan.

Marka la kala qaad-qaado falkan, waxa ugu horeeyay Dil foolx-un oo ka dhacay Deegaanka Geed-deeble ee Waqooyiga Hargeysa saddex maalmod ka hor, halkaasoo ay Gabadh Dhalinyaro ahi Qudha kaga jartay Aabbeheed oo Waayeel ahaa, sida ay Wargeyska Yool u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Bulshada deegaankaasi.

Marxuumka la Dilay ayaa magaciisa la odhan jiray Cabdile Xagaa,waxaana Maydkiisa lagu aasay Magaalada Hargeysa maalin saddexaad, iyadoo Gabadha dishayna lagu soo xidhay Xarunta CID-da, sida ay Saraakiisha Boolisku xaqiijiyeen.

“waxay ka tagtay Magaalada oo ay muddo ku soo maqnayd, dabadeedna waxa maagay Aabbeheed oo ahaa Nin waayeel ah,kaddibna Budh ayay ku dhufatay, sidiibaanu ku dhintay”sidaasi waxa Wariyeyaasha Gobanimonews u sheegay Nin ka mid ah Bulshada Deegaanka Geed-deeble. Haweenayda Dhalinyarada ah ee Aabbeheed dishay ayaa ku xidhan Magaalada Hargeysa.

Geesta kale, waxa habeen hore Salaadii Cishe markii laga soo baxay kaddib Cisbitaalka Guud ee Hargesya la soo gaadhsiiyay Wiil aad u da’yar oo uu Mindi geliyay Nin sida la sheegay ay ehelo dhow yihiin.

Wiilkan yar oo markii hore da’diisa lagu sheegay shan jir, hase ahaatee wariyeyaal ku booqday Cisbitaalku loogu sheegay inuu ka mid ahaa Kiriish-booyada baabuurta ka shaqaysta, ayuu Mindi qoorta ka mariyay Ninka weeraray.

Falkan ayaa ka dhacay xafadda Calaamadaha agagaarka Hudheelka Star, wallow warar kalena ay sheegeen inuu ka dhacay Xaafada Siinay. si kastaba ha ahaatee dadweyne tiro badan oo ka tiiraanyeysan waxyeelada loo geystay Cunugan yar ayaa mashquuliyay Cisbitaalka.

Dhinaca kale,Dil kale ayaa ka dhacay Xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan Libaax gelinkii hore ee shalay, kaddib markii uu Nin Darawal ka ahaa Gaadhi Bas ahi uu Tooray qudha kaga jaray Nin kale oo isna ka mid ah Gaadiidleyda Basaska Xaafadaas u baxa .

 

dilka ayaa ka dhacay agagaarka Hudheelka Kaah, halkaasoo uu ku yaallo istaanka ay ka soo laabtan Basaska New Hargeysa u baxa. waxaana la sheegay in Ninka wax dilay uu ka cabanayay ganaax uu ku mutaystay Boob uu ku sameeyay fursadaha bixista baabuurta ama kala horistooda, sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal.

Marxuumka dhintay, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Guddida Iskaashatada Baabuurta , isla markaana uu ganaaxay Ninka uu gacantiisa ku baxay , sida ay Goob-joogeyaashu warka ku sheegeen.

Ma jiro wax war ah oo dhacdadan ku saabsan oo ka soo baxay Ciidamada Ammaanka, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay inuu goobta ka baxsaday Ninkii dilka geystay.

Xadhig iyo xoriyad ka qaadis

Geesta kale,Ciidanka Booliska ee Caasimada Hargeysa ayaa habeenkii Xabsiga u taxaabay saddex xubnood oo ka mid ah Hogaanka Urur-dhalinyareedka JIIDAALI.

Xoghayaha Dalada dhalinyarada ee JIIDALI Cabdikariin Maxamed Cumar, Afhayeenka ururka Faysal Cumar Madar (Fayal qumuj) iyo Cabdi Bedel oo ka mid ah Xubnaha sar sare, ayaa  laga qabtay Hotel Crown ee Magaalada hargeysa oo ay ku qabsanayeen Ururku Kulan ay uga hadlayeen xadhiga Guddoomiyahooda oo xidhan.

Bilayska ayaa is-hortaagay kulanka dhalinyarada ka hor intii aanay taxaabin masuuliyiinta, sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal, waxaanay dhalinyaradii halkaasi isugu yimi diideen inay joojiyaan shirka, xorna ay u yihiin kulamadooda caadiga ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa cambaareeyay xadhiga Dhalinyaradaasi, isagoo ku tilmaamay gabood-fal ka dhan xoriyatal-qowlka. “Waxaan cambaareynayaa xadhigii xalay (Habeen hore) ee labada dhallinyarada ka tirsanaa JIDALI ee laga qabtay isla hudheelkan CROWN iyaga oo shir wada tashi ku jira. Sidoo kalena xadhigii Gudoomiyaha Jiidali. Dhamaantood waxaan soo jeedinaynaa in loo soo celiyo xoriyadooda”.

Waxa kale oo cadhigooda si kulul looga cambaareeyay Kulanka Ururku soo qabanqaabiyey oo si hal-haleel ah uga dhacay Hudheelka Crown.

Jawaab la’aan Xukuumadda

Ma jiro ilaa hada war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo laamaha ammaanka oo ku saabsan dhacdooyinkan aynu kor ku soo xusnay, hase yeeshee waxa muuqata inay masuuliyiinta Hay’adaha Nabad-gelyadu ka jawaabistooda kaga mashquuleen daba-dhuslaynta Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Arbacadii ku tegay Deegaamada Gobolka Saaxil.

Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cadde, ku-xigeenkiisa amniga Cali Axmed Cali iyo Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa dhamaantood ka mid ahaa Masuuliyiintii laamaha Xukuumadda ee Madaxweynaha daba-yaacayay Arbacadii ina dhaaftay , kuwaasoo ay muuqato inay baylahda nabad-gelyo Caasimada ka door-bideen daba-raxlaynta Siilaanyo iyo ka muuqashada xafladaha uu ku tamashlaynayo. Halkii ay ugu yaraan Shacbiga uga jawaabi lahaayeen Su’aalaha dul-hoganaya Xafiisyadood ee ku saabsan Maamulka amniga iyo arrimaha Daakhiliga.

Wariyeyaal ka tirsanWargeyska Yool oo khamiistii shalay baadhis xaqiiqo raadin ah ugu kuur-galay dhacdooyinkan, iskuna dayay inay Madaxda Wasaaradda Daakhiliga iyo Taliska Booliska wax ka waydiiyeen sababaha dhaliyay iyo talaabooyinka la qaaday, ayaanay u suurto-gelin inay helaan, kaddib markii ay Xafiisyadooda ka wayeen, kana qaban waayeen Telefoonada.

Xukuumaddu ma Nabad-gelyada ayay Mucaarid ku tahay?

Dhinaca kale, shacbiga Somaliland ayaa badankoodu liqi ;a’ ilaa hada sababta ay xukuumaddu xadhiga ula daba jamacsanayso Muwaadiniinta Ra’yigooda cabira, isla markaana dhaliila hogaaminteeda. “waa Khalad in cid kasta oo Siyaasaddeeda ka hortimaada ay iska xidho, xaq-daro xad gudub ku ah Dastuurka ayaanan u arkaa” sidaasi waxa Wargeyska Yool u sheegay mid ka mid ah Waayeelka ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo aanu magaciisa u soo xigan cudur daar xagiis ah awgeed.

Dadka ka soo horjeeda iyo kuwa hadal-haya talaabooyinka lagu cabudhinayso shacbiga, ayaa tilmaamaya inay dawladdu mucaarid ku tahay nabad-gelyada iyo dimuquraadiyada dalku ku dhisanyahay, abuuraysana xiisad aakhirka dalka gayeysiinaysa isku dhac iyo fowdo hadii aanay wax ka bedelin hab-dhaqanka qalafsan ee wax lagu maamulayo.


  1. Kalshaale



Gobanimonews

Hargeysa Office