Thursday, November 27, 2014

Aafada Qabyaalada

Hamze

 W/Q: Xamze Siciid Kuuriya

Qabyaaladeey Maxaad Tahay?

Qabyaaladu waa ta kala gaysa laba qof oo saaxiibo ah kuna kalifta inuu midba midka kale dabar gooyo wanaagoodiina u badasha xumaan.

Qabyaaladu waa hooyada dagaalka, mar haduu bilaabmo ay adagtahay in la joojiyaa waana cudurka ugu xun ee ku dhaca qof ama Ummad burburiyana.

Qabyaaladu waa hoyga lagu barbaariyo Kala jabka, is naca, colaadaha, qaxa iyo wareerka

Qabyaaladu waa ta kala fogaysa qofaad isku mabda’a ahaydeen oo aad wax badan wada qabsan lahaydeen.

Qabyaaladu waa shiidaalka ay ku tamariyaan xasadka, xasuuqa, boobka, Gumaadka, kala qaybsanaanta bulshada, Ehelka, qaraabada iyo Qarankuba.

Qabyaaladu waa ta ku faraysa inaad gawracdo ehelka hooyadaa ama se inaabtiyaashaa

Qabyaaladu waa ta kala disha Ummad isku xidhanoo is jecel waxna wada qabsada

Qabyaaladu waa ta kaa dhigaysa qof qabiil ee kuu diidaysa inaad noqoto qof Qaran

Qabyaaladi waa jaahilnimo, indho la’aan, Caqli xumo, Iimaan darro, iyo Dadnimo la’aan

Qabyaaladi waa ta dhulka la dhacday halaagtayna Ummado badan oo Afrikan ah oo waxay gaysteen aanay jirin ee lagu laayay Reer hebel ayaad tihiin.

Mabda haddii laysku hayo waa la xalin karaa oo dadkii isku mabda waaba laga dhigi karaa laakiin qabyaaladi waa ta ku faraysa inaad qudha ka jarto qof kale ileen kama dhigi kartid qabiilkaagiiye.

Maxaa Keena Qabyaalad?

Dad badan markii aan la kaashaday caqliyadooda intaydiina aan ku daray waxa ii soo baxday inay xanuunkan keenaan qodobo dhawr ah oo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-


  1. Waxa keena qabyaalad oo abuura nin doonaya inuu fushado dan gaar ah kaas oo kaligii istaagi Karin ama aan wax qabsan Karin, sameeyana inuu qabiilkiisa soo kiciyo si uu halkaas u gaadho laakiin iyagu aanay fahansanayn dhibta ka soo gaadhaysa

  2. adkeena oo aanay qaarkood fahmin farqiga kala duwanaansho ee u dhexeeya Qabiil iyo Qabyaalad oo ay badankoodu isku khaldaan

  3. Qabyaalada waxa keena inaga oo aan wali iska dhaafin dhaqankii reer guraanimada iyo Beeralayda ee ahaa inaynu u dagi jirnay qabiil qabiil ee aynaan ahayn bulsho is dhex taala markaa markaynu nimid magaaladana waxaynu ku dhaqanuun isla kii aynu kala soo galay miiga

  4. Shaqaalaysiinta laftigeedu waxay ka qayb qaadata soo noolaynta qabyaalada oo nin waliba markuu ganacsi furto waxa uu u dhiibtaa inaadeerkii ama qaraabadiisa

  5. Ilmaha oo marka la barayo qabiilkiisa laga ilaawo in loo sharaxo qabyaalada iyo xumaanteeda loona buunbuuniyo qabiilkiisa.



Dhammaan qodobadan iyo qaar kale oo badan waxay caawiyaan ama keenaan inay qabyaaladu dib u dhalato ama u soo cusboonaato.

Maxaa Dawo U ah ama lagaga hortagi karaa Qabyaalada?

 

Waxaan filayaa marka xagaas la marayo inay dad badan ku adkaato in la helo xal macquul ah, laakiin aduunyada Illaahay ma keeno shayna ilaa uu keeno xalkiisana.

Hadaba waxa muhiim ah inaynu ku dhaqano qodobadan si aynu xal uun u helo:-


  • Inaynu horumarino muwaadinimada iyo jacaylka wadanka carruurtana dugsiyada ugu dhigno

  • Inaan la dhagaysan qofka kasta oo ku qadhaabanaya qabiil si uu dan u gaar ah ugu fushado

  • Inaynu samayno isku xidh bulsheed oo balaadhan oo dadka la tuso in si guud wax loo wada leeyahay Ummaduna tahay dad walaalo ah oo meel ka wada farcamay

  • Inaynu samayno wacyi-galin balaadhan

  • Inaynu ku dhiiri galino dhalinyarada iyo waayeelkaba  inay is kaashadaan oo aanay u kala bixin qabiil qabiil ee ay gacmaha is qabsadaan iyaga oo qaran ah.

  • Inay dawlada iyo shacabku ka wada qaadaan talaabo sharciya cidii lagu arko inay qabyaalada noolaynayaan soona toosinayaan waayo qabyaalada haddii loo durbaano tunto ogow balayaaduna way ku xigtaaye.



 

Ugu danbayntii waxaan hadalkayga ku soo gabo gabaynayaa Qabyaaladi waa balaayee waar hooy yaan loo durbaan tuman”

 Hargaysa, Somaliland

Mobile: 063-4410163

Email: qoraaxamze@gmail.com