Tuesday, November 25, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Iskaraab ahaan u bixiyay Wershada Sibidhka Berbera

Qalabka Wershada Sibidhka Berbera oo Gacantii saddexaad lagu qabtay iyadoo la doon in si qarsoodi ah lagu rarto iyo Xiisada ka dhalatay...

Dekedda berberaBerbera(GNA)-Buuq ayaa ka taagan Wershada Sibidhka ee Magaalada Berbera, kaddib markii todobaadkan si rasmiya loogu wareejiyay Rag Ganacsadeyaal ah oo Iskaraab ahaan looga Iibiyay.

Ma jiro go'aan rasmiya oo ay Xukuumaddu ka soo saartay talaabada lagu Iibiyay Qalabka Wershada yaalla, hase ahaatee sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad arrintan xogogaal u ahi, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wershadaha ayaa ku wareejiyay Ganacsato aan la ogayn in laga iibiyay iyo in la siiyay, kuwaasoo isla markiiba ka sii iibiyay Ganacsato kale oo reer Berbera ah.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay ganacsatada reer Berbera ee laga Iibiyay iskaraabka Wershadu isku dayeen inay gurtaan todobaadkan , hase ahatee  ay shaqaalihii Ilaalinayay u diideen, iyagoo ku doodaya inay lacagtoodii Mushaharka ahayd iyo hanti kaleba kaga jirto.

Talaabada Shaqaalaha wershadu isku hortaageen rarista Qalabka oo ilaa hada aan la maarayn, ayaa sababtay inay dibada u soo baxdo arrinta Iibinta Iskaraabka Wershada oo markii hore hab qarsoodi ah ku socotay.

Wershada Sibidhka Berbera oo aan dib loo kicin tan iyo markii ay dhacday dawladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya, ayaa sanadkii 2012-ka waxa ay xukuumada Siilaanyo ruqsad u siisay inay dib u kiciyaan Ganacsato waaweyn oo reer Somaliland oo uu hogaaminayay Mukilaha Shirkadda Dahabshiil.

Hase ahaatee waxa ka hor-yimi Ganacsato iyo qayb ka mid ah Shacbiga reer Berbera oo talaabo sharci daro ah ku tilmaamay in Wershadan Kooto lagu siiyo Ashkhaas gaar ah ama Shirkad qof leeyahay, iyagoo ku doodayay in Share lagu bixiyo Maal-gashigeeda.

Ka  hor isku dayga fashilmay, waxa jiray qorshe ay Xukuumaddii Rayaale hindistay inay ku dhaxal-wareejiso Iskaraabka Wershadan, taasoo iyaduna hal bacaadleh noqotay markii Shacbiga iyo Mucaaridku si adag uga soo horjeesteen.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ay dawladdu ka soo saartay xaaladan ugu dambeysay ee ka aloosan la wareegista qalabka Wershada, hase ahaatee waxa magaalada Berbera laga dareemayaa guux faro badan oo arrintan la xidhiidha, abuurina kara kacdoon mar kale looga soo horjeesto ku tasarufka aanu noociisu caddeyn.