Saturday, November 29, 2014

Shir gogol-xaadh ah oo Turkiga uga furmaya Somaaliya iyo Somaliland

Dawladdaha Taageera labada dhinac oo cadaadis ku saaray in wadahadaladu sii socdaan...Xog

Xirsi iyo BiixiHargeysa(GNA)-Somaliland ayaa wefti u dirtay Dalka Turkiga si ay uga qayb-galaan Shir loogu gogol-xaadhayo wadahadalada Somaliya oo inay halkaasi dib uga furmaan lagu wado bisha soo socota.

Shirka gogol-xaadhka Wadahadalada ayaa ah heer wasiir, waxaana dhinac walba ka imanaya laba xubnood oo dawladda ah, sida uu Warbaahinta Somaliland u sheegay Wasiirka Madaxtooyada xukuumadda Siilaanyo Xirsi Xaaji Cali oo maanta u dhoofay dalka Turkiga.

Halkan ka Daawo:



Ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo ka soo baxay dhinaca Dawladda Federaalka, hase ahaatee ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed oo Gobanimonews heshay, ayaa tibaaxaya in Dalka Turkigu labada maamul ee Hargeysa iyo Muqdisho cadaadis ku saaray inay sii wadaan wada hadalada.

Dawladda Norway ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay si buuxda u taageerayso geedi socodka wada-xaajoodka labada dalka, si is-faham loo gaadho. Dalalka taageerada dhaqaale siiya labada dhinac ayaa doonaya inay isku soo dhaweeyaan aaraa’da kala fog ee labada dhan oo ay asal ahaan u qadariyaan Waddan Soomaaliyeed oo Shakhsiyad qudha oo qaanuuniya leh.

Laakiinse marna ajandaha beesha Caalamka iyo marti-geliyeyaasha wada-hadalada laguma xusin in la aqoonsado gooni-isutaaga Somaliland oo ah qadiyad ku timi rabitaan Shacbi oo ka soo gudbay marxalado qalafsan , balse haatan cago curdin ka-baxay ku taagan.

Ma cadda wakhtiga ay furmayaan wadahadalada loo gogol-xaadhayaa iyo inay ka qeyb-geli doonaan hogaamiyeyaasha labada dal, waxaase wajiga hore ee diyaar-garowga inay ka qayb galaan lagu wadaa Wasiirrada Khaarajiga iyo Arrimaha Gudaha ee labada dhinac. Waxaana iminka dalka Turkiga ku sugan Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka sii horeeyay Wasiirka madaxtooyada.

Gobanimonews

Hargeysa Office