Thursday, November 27, 2014

Siday u dhacday Xafladdii Ururka JIIDALI caawa, Maxayse Dawladdu fashay?Daawo

Hoos ka Daawo Dhawaaqyada laga jeediyay xaflada, dhirbaaxadii Booliska iyo xabsi dhigistii Dhalinyarada..+ Warbixin GNA

jiidaliHargeysa(GNA)-"Cadaalad,.... Cadaalad..... cadaalad, ayaanu doonaynaa. Shuruud la'aan halugu soo daayo Gudoomiyaha Ururka JIIDALI, hala soo daayo... hala soo daayo, isaga iyo kuwa kale ee caawa halkan laga xidhay"kuwani waxay ahayeen hal-dhigyada dhawaaqyo caawa laga jeediyay Munaasibad Ururka dhalinyarada Jiidali ku qabsaday Magaalada Hargeysa oo ka hor intaanay bilaabmin Ciidanka Boolisku xidheen xubno ka mid ah Hogaanka Ururka soo qabanqaabiyay.

Shan ka mid ah madaxda iyo xubnaha Ururka oo uu ku jiro Afhayeenkoodii ayaa xabsiga loo taxaabay, intii aanay munaasibadu furmin, waxaanay talaabadani sii kicisay dareenka dadkii ka soo qayb-galay oo markii horeba u soo diyaar garoobay inay cambaareeyaan Xadhig hore loogu geystay Hogaamiyihii Ururka Cabdiraxmaan Xasan Aadan  oo muddo usbuuc ka badan u xidhan u ujeedo aan caddeyn laakiinse loo aanaynayo uun cadaadis xukuumaddu saarayso Daladan dhalinyaro oo la rumaysanyahay inay isbedel doon yihiin.

"Ciidanka Sharaf iyo Karaamo ayaanu u haynaa, laakiinse waxaan leeyahay waar halkee la joogaa, waar miyaydaan garanayn wixii dalka loo soo maray? "waar hooy dalka sidan halaga daayo, walee inaan laysaga jimcinayn oo aan nina nabad ku seexanayn, nina Jeelka ku jirayne" sidaasi waxa tidhi Fanaanada Sahra Halgan oo wariyeyaasha kula hadashay goobta Xafladu ka dhacday.

Haaa..........haa, way qabsoontay Xaflada ururku ugu talo galay dhaleeceynta Hogaamiyaha ka xidhan, boqolaal dhalinyaro, waayeel, rag iyo Dumar isugu jira ayaa ka soo qayb-galay, kuwaasoo cod dheer ku dalbaday cadaalad,  "cadaalad...cadaalad", cambaareeyayna waxa ay ugu yeedheen tacadiga ka dhanka ah Dhalinyarada isku-tashigooda ku foogan.

Ciidanka Booliska ee Hudheelka munaasibadu ka dhacday joogay, ayaa ka tegay halkaasi, markii ay shanta xubnood ee la xidhay gacanta ku dhigeen. Duqay iyo dhalinyaro ka hadlay munaasibadu waxay ku dhawaaqeen Shuruud la'aan lagu soo daayo dhamaan ashkhaasta xidhan hore iyo dib-ba. Dadka ka hadlay Munaasibada waxa ka mid ahaa Salaadiin, Odayaal Wax-garad ah, Haween iyo Dhalinyaro Rag ah.  "Maanta dadka reer Somaliland hadii aynu nahay aynu tashano, xukunkan macangaga ah ee ka xun kii siyaad barre aan ka tashano, Codkeenii iyo Farteeniibaynu ku keenaye aan ka tashano"ayay tidhi Xaliimo Cismaan Raage oo ka mid ahayd Hooyooyinka Xaflada ka hadlay.

Halkanka Daawo qaabkii Xafladu u dhacday iyo khubadihii laga jeediyay:



Munaasibad, Munaasibad u eeg

Xaflad maqrib dabii la qabto, oo Ciidanka Boolisku albaabka u fadhiistaan, oo ay si badheedh ah isu hortaagaan dadka ka qayb-gelayaasha ah, isla hudheelka Crown-na lagu qabtay, waxa lagu xasuustaa markii uu aloosnaa Khilaafka Xisbiga kulmiye Bilihii June iyo Jully, taasoo ahayd munaasibad tabtan oo kale loo soo abaabulay oo lagu cambaareynayay xadhigii loo geystay Taageerayaasha Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi.

Hase ahaatee xafladaasi may jirin cid sidan oo kale xabsiga loogu taxaabay, iyadoo ay Bilaysku ku guul-daraysteen inay baajiyaan, siduu ahaa isku daygoodii hore.

Sidani Ma Xalbaa?

Ma cadda inay go'aan xukuumi ah ay tahay cadaadiska sii socda ee ay dawladdu ku hayso Shacbiga, kuna shiiqinayso aragtiyaha siyaasaddeed iyo kuwa bulsho la jaan-qaadaya xilliga kala guurka  ah, isla markaana shacbiga qaarkii u gogol-xaadhayaan Isbedel xukuumaddeed oo dalka ka dhaca, iyo inay gaar u gaadhayaan xubno golaha xukuumadda ka tirsan oo amarka ciidanka siinaysa mar kasta oo loo  baahdo inay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xoriyadda Fikir dhiibashada ee Rayidka ah iyo hogaamiyeyaasha Mucaaridka,

Hase ahaatee, kaga jawaabista xaaladaha noocan ah cago-juglayn iyo awood ciidan, waxay u muuqataa "Digo gubanaysa Xaabo ku sii shid".

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com