Sunday, November 16, 2014

Hayyaan Dhibeedka Somalia Ay Kujirto Xagguu Ku Dhamaanayaa. W/Q-muuse Axmed Faralaab

muuWaxaan halkan ka salaan diiran uga dirayaa dhamaan asxaabtayda kala joogta daafaha aduunka, iyo inta ku hadasha afka somaliga, salaan ka dib waxaan jeclahay in aan halkan kusoo gudbiyo aragti yar oo iiga bidhaantay dalka aynu deriska nahay ee somaliya, markaan rog rogey dhankastana ka eegay mudona ka fekerey mashaqada ka jirta somaliya taas oo kusii hayaansan ku dhowaad 30'sanno mar kastana ay usii durkayso dhanka halaaga, waxaa isoo baxday in haba yaraatee somaliya aysan haysanin bulsho ama shacbiyad ka fekera jiritaankooda iyo aayohooda mustaqbal, hoguna uu ka qudhmay ummada somaliyeed meel kasta ha joogeene, mashaqadu ka weyn dhoodhoob iyo in laysu ururiyo shaqsiyaad kooban oo dan gaar ah maahee danta guud maankooda iyo maskaxdooda toona aysan ku jirin, looguna magac dhabo

dawladii somaliya, Tani waxay meesha ka bixi lahayd hadii ay jirto bulsho wanaagsan oo ka fekerta aayaha dalkooda iyo dadnimadoodaba wanaajin lahayd wadadii ay u mari lahaayeen, uu misana ah mid aan ka fogayn, ahaanshiyaha iyo kunegaanshiyaha xasiloon ee dawladnimo wuxuu ka yimaadaa rabitaanka shacabka, run ahaana uu ku dhismaa dal kuna dhaqmaa dad, ma aha in laga baydho xaqiiqada runta ah kuwa u ah hormuudka ayaa raali ahaanshiyaha shacabka ku jooga kursiga kuna qasaya dalka iyo dadkaba, hadii aysan ahayn tan waxaa hubaal ah in mar horeba xal la gaadhi lahaa, layaab waxaa ah in somaliya ay gashay lambarka kowaad marka la qiimaynayo xumaanta, dhankastana marka laga wajoho waxaa kusoo bexeysan natiijada runta ah ee lagu tilmaami karo somaliya lagana dhigan karo tusmo ama halku dhig in lagaba dhigto,

Ma aha mid aan qalin ku koobi karo run ahaantii mana jecli in aan ku gefo kana faafiyo xumaan aan jirin somaliya, balse waxa ay tahay amaa la helaa kuwo ku fahma in badan, yeeshana damiir xishood mudan marka ay arkaan qormadan yar, oran maayo walaalahay way kusii negaanayaan mashaqadan balse waxaa suurto gal ah in dhabaradooda laga heli karo kuwo ka duwan marka loo eego damiir iyo dadnimoba las

Waana suurta gal in la helo isbedel dhankasta ha ahaatee, Waxaa hubaal ah in ay jirto mid weyn oo iyana meesha ka maqan oo ah ku xidhnaanshiyaha alla s'w'c' inagu galadaystay nimcooyinkan aan la koobi karayn ayna haboontahay in lagu mahadiyo sida alle inoogu sheegay qu'aankiisana la helayo mahadintiisa barwaaqada uu inagu galadaystay siyaado dheeri ah, ka leexashadeedana lagu mutaysanayo dhib adag oo alle xagiisa ka timaada, fidmada ayaa alle xagiisa ku weyn marka laga eego kufriga, dulmiga iyo isxaqirka ka dhex jira somalida ayaa ah mid alle inaga reebay, balse ay somalidu ka dhigatay jidwalkooda koowaad, waxaa alle xagiisa ku weyn naf muslim ah oo lagu daadiyo dhigisa dhulka, tanina somaliya waxay u tahay mid iska caadi ahba, in ay dhacdo muslim mid isku tilmaamayaa in uu midkale oo muslim ah kala hortago dil iyo dhac ma ah mid sahlan marka laga eego xaqiiqada runta ah ee islaamnimadeena,

Run ahaan qofkasta ee aragti dheer wuu arki kara mashaqadan ay heleen kuwa ka leexday wadada dhabta ah, waxaan kuso geba gebaynaya hadi aynu nahay somaliland run ahaan waynu ka badbaadney dhamaan sifooyinka aan wanaagsanay ee ka jirta wadanka walaaleheen ah ha ahaato dawladnimo, dhaqanimo, dadnimo, iyo mid guudba waxaynu ku caan baxnay nabad iyo is jacal isu dulqaadasho, is maqal, isku xidhnaan, isu tudhid, iyo in laga sinaado danta guud, ku xidhnaashiya Alle S'W'C aynuna helay bedelkeeda oo ah in alle marba marka ka danbaysa uu inoo siyaadinayo mahadi ha u sugnaate, in aynu ilaashano ayaa muhiim ah markastana ka fekero marinka wanaagsan danta guudna laga sinaado, ma haboona in aynu masaal xun noqono sida somaliya e waxaa wanaagsan in aynu ku fara adaygno barwaaqadan aynu ku badhaadhnay, ceebna u aragno waxa ka dhex jirta somaliya,waxaan naxdin ah in lala mac noqdo somaliya alle haka saaree, waxaan alle ka baryayaa in uu inoo sii siyaadiyo nabada iyo kala danbayna, dhaqan wadaaga wanaagsan, somalida waxaan leeyahay walaalayaal nagu dayda allena u noqda, waxaa mahadke alle

 

Qore:- Muuse Axmed Faralaab