Saturday, November 22, 2014

Faafista Cudurka Ebola oo hoos u dhacday"Ban ki-moon

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinya in xadiga faafidda cudurka Ebola uu hoos u dhacay meelaha qaar uu ka dilaacay.

Ban Ki-Moon waxa uu sheegay in dadaalada looga hortagayo cudurka ay u muuqdaan kuwo guul laga soo gaadhayo, oo natiijo wanaagsan keenaya.

Moon, ayaa intaasi ku daray in loo baahanyahay in dunidu ay sii wado dadaalka lagula tacaalayo Faafida cudurkan oo bilihii la soo dhaafay faro baas ku dhigay dhowr waddan oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

Dhinaca kale, madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr Mangaret Chan, ayaa ka digtay in cudurka uu ku fiido dalka Mali ee Galbeedka qaarada.

Waxay sheegtay in loo baahayahay in la damiyo ''dabka yar'' waa sida ay hadalka u dhigtaye, ka hor inta aanu gacanta ka bixin”hadalkaasoo ay ula jeeday in la karatiimeeyo Kiisaska kooban ee cudurka ee la arkay, si looga badbaadiyo Bulshada Mandaqada inteeda kale.

Madaxa WHO, Dr Chan, ayaa sheegtay in xogtooda la helay xaaladda shan boqol oo qof oo xidhiidh la sameeyay wadaad uu cudurku ku dhacay, laakiinse may carab-baabin Dalka uu wadaadkaasi ku nool yahay.

Cudurka Ebola ayaa haatan waxa uu ka jiraa wadamo ku yaalla Galbeedka Afrika, waxaana la sheegayaa in ay u dhinteen dad kor u dhaafaya shan kun oo qof tan iyo bil-horaadkii sanadka 2014.