Wednesday, November 26, 2014

Imaaraadka Carabta Oo Mamnuucay Shibiro Looga Soo Dhoofiyo Saddex Wadan

iibin gabdhee2Dubai, (GNA) - Imaaraadka Carabta ayaa si kumeel gaadh ah u joojiyey dhamaan shimbiraha nool ee looga soo dhoofiyo dalalka Ingiriiska, Netherlands iyo Germany, iyagoo ku sababeeyey kiisas hargab shimbireed oo ka dhacay dalalkaasi, waxaana sidaasi lagu sheegay go’aamo uu soo saaray Dr. Rashid Ahmed bin Fahad, Wasiiirka Biyaha iyo Deegaanka.
Arinta joojinta shimbirahan ee dalalka Imaaraadka Carabta ayaa timid ka dib markii ururka caafimaadka Ugaadha ee adduunku (OIE) uu sheegay in fayras hargab shimbireed uu ka jiro saddex wadan oo ka tirsan qaarada Yurub.
Waxaana xayiraadani ay joogsan doonta tan iyo inta ururka calamiga ah ee la socda arintani uu ka xaqiijinayo in saddexdaasi wadan ay ka badqabaan hargabkan shimbiraha.
Waxaana Imaaraadka Carabtu intaa ku dareen in ujeedada ay arintan ka leeyihiin ay tahay si loo xaqiijiyo caafimaadka dadka iyo xayawaanka dalkooda si ay uga bad qabaan hargabkaasi iyo cuduro kaleba.