Tuesday, November 25, 2014

Rabshadaha ka socda Gobolka Missouri oo ku fiday Magaalooyin kale

fersuFerguson(GNA)-Magaalada Furgson ee Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka waxa mar kale ka aloosmay dibad baxyo iyo shaqaaqooyin xad dhaaf ah oo ka dhashay go’aanta ay dilkii wiilka madowga ah ka soo saareen Xeer-beegtida Garsoorka dalka maraykanka oo ku dhawaaqay inaan wax dambi ah lagu oogi Karin Askariga Cadaanka ah ee Wiilka 18-ka ee aan hubaysnayn toogtay.

Waa dibad-baxyadii ugu xumaa ee arrintan ka dhashay tan iyo markii falku dhacay. Bililiqooyin ayaa dhacay, waxa la gubay Guryo, dukaamo ayaa la boobay, walina waxa socda rabshado iyadoo la joogo xilli aroor.

Booliska Magaalada ayaa sheegay in Boqol iyo Konton Xabbadood lagu soo riday Salaasadii maanta, waxaana la xidhay dad ka badan Lixdan qof.

Warbaahinta Maraykanka ayaa toos u tebinaysa diidmooyinka looga soo horjeedo go’aanka lagu xaqiray Toogashada wiilka madowga ah.

Madaxweynaha Maraykanka oo Subaxnimadii hore Telefishanada ka soo muuqday ayaa dadka reer maraykan ugu baaqay inay taageeraan go’aanka laga soo saaray Dilka Boolisku geystay.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadayay iyadoo ay boqolaal dibad baxyaal ah hor-tubnaayeen Aqalka Cad, kuwaasoo ka cadhaysan arrinta la diidanyahay.

Magaalooyinka Washington, Newyork iyo meelo kale oo ka mid ah Dalka ayaa laga soo sheegayaa inay dadku aad uga cadhaysanyihiin cadaalad darada Hay’addaha Garsoorka ee maraykanka.

Gobollada aadka looga cabsida qabo inay rabshaduhu ku sii fidaan waxa ka mid ah kuwa madowgu ku badanyihiin.

Gobanimonews

London Office

Email: editor@gobanimonews.com