Sunday, November 30, 2014

Saraakiil Waxbarasho Xaqiiqo raadin ku yimi Ceel af-weyn

Ceel-afweyn(GNA)-Saraakiil ka socda Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa soo gaadhay Degmada Ceel-af-weyn oo Gobolka Sanaag ka tirsan, waana guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Waaxyaha Wasaaradda.

Gudigan waxa ka mid ah, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Agaasimaha waaxda shaqaalaha wasaarada waxbarashada Somaliland, iyo madaxa qaybta dugsiyada sare ee wasaarada.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ugu horeyn tafaasiil kasiiyay warbaahinta ujeedada socdaalkoodani uu daaran yahay, ayaa sheegay inay u socdaan howlo-shaqo.

Mudane Daa'uud Axmed Faarax waxanu yidhi. " Waxaanu ahayn wefti wasaarada waxbarashada ka socday oo ka koobnaa agaasimayaashii wasaarada waxbarashada , een runtiina waxaanu u nimi kormeer guud ahaan waxbarashada gobolka saaag ah ,gaar ahaan Degmada Ceelafweyn ayaanu rabnay inaanu kulano ardaydayda , waalidka , macalimiinta , iyo maamulka degmada".

Isagooo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi" Run ahaantii aadbay arimaha oo dhami u fiican yihiin een waxanuna jecelnahay wixii ka bilaabma maalinta berito ah 30-Nov-2014 inaanu gudo galno hawlahayagii , insha allah waxanuna ku rajo waynahay inay guul noogu dhamaadaan ".

Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha X/Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax wuxu kaloo intaasi raaciyay " Intii yarayd ee maalintii dhawayd maadaama oo waxbarashadu iyadu tahaybeel is leh ayaanu u nimi inaanu dhamayno maadaamad ardaydii iyo iskuuladii wax saameeyeen " .

Sidoo kale Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaarada Waxbarashada Cali cabdi ( Gaas) ayaa isaguna dhankiisa fariin u diray Ardayda, waalidiinta iyo guud ahaan bulshada reer Ceelafeyn waxana hadaladiisa ka mid ahaa sida tan " Insha allaahu markaynu soo gabo gabaynana waynu sii kulmi doonaa , Dadweynahana waxaanu u sheegaynaa sidaa Daa'uud Axmed Faaraxba u sheegay inaan ku guulaysan doono , waxan kaloo u sheegayaa Waxbarashadu waxa weeye aayihii Beri ee Ubadka , een madaxdii Berito weeye in dariiqii iyo khaladkii aynu hore usoo marnayna waa waajib ".

Mar kale isagoo hadalka sii wada wuxu carabaabay "markaa sidaa drteed insha allaahu waxaan rajaynaynaa inaanay arimahayagu ku milmin qabyaalada , siyaasada iyo waxlamida ee insha allahu noogu soo dhamaato cidhib wanaagsan iyo guul ".

By A/Rahman Ismail Zaed

Ceelafweyn –Sanaag

.​