Wednesday, November 26, 2014

Burco oo qaadhaan Mug leh loo huray Dhismaha Laamiga Xabaalaha

Guddida Xaafadda Faarax Oomar oo 11 Kun oo Dollar ku wareejisay Dawladda hoose si loogu daro dhismaha Wadada Xabaalaha oo dhib wayni ay ka haysan jirtay Marka Maydka la gaynayo...Daawo Sawirrada

S6410001Burco()Dadwaynaha Xaafada Faarax Oomaar ee Magaalada Burco iyo dawlada Hoose ee Magaalada Burco ayaa iska kaashaday wado 3 km iyo badh ah oo tagaysa Xabaalaha Dahabshiil ee  Magaalada Burco,wadadan ayaa Markii Hore waxaa dhibaato kala kulmi jiray dadka Reer Burco ee Maydka sida,kuwaas oo ay dhib ahayd xiliyada Roobku da,o  in xabaalaha la gaadhsiiyo Maydka,wadadan oo hada maraysa Caratuulkii ayaa waxaa saaka Maayarka Magaalada Burco 11 kun oo daalar ku wareejiyay Gudoomiyaha Xaafada Faarax oomaar Ee Magaalada Burco Siciid Cali Dacar. ugu horayn Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(M.Muraad) ayaa yidhi''Wadadani waa 3 km iyo badh oo 1 km baanu hada samaynay labada km ee hadhS6410004ay abaanu dadwaynaha ka dalbanay inay cartuula wax ka bixiyaan,hadii ay doonayso inay Umadu horumar samayso waxaa lagu yaqaanaa inay is kaashadaan,wadooyin Badan Baanu magaalada Burco ka samaynay oo tani waa wadadii koowaad ee ay dadwaynuhu ka qaybqaataan aad baanan ugu mahadnaqayaa dadwaynaha reer Faarax oomaar ee Lacagta nagu wareejinaya ,wadadanan markii hore waxa dhici jirtay in marka roob da,o maydka aan lagu soo aasi jirin oo meel loo maro la waayi jiray.
Maayarka magaalada Burco Maxmed Muraad oo hadalkiisa sii wata ayaa dadwaynaha ree Burco ugu baaqay inay ka qaybqataan waxaanu yidhi''Waxaan dadwaynaha ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan,tanina waa sadaqo jaari ah oo qofku isagoo dhintay ayaa naarta lagaga xoraynayaa  oo ajarkeedu su socnayaa.S6410002
Baashe Dhoore oo u hadlay shirkada Caalin  iyo dhoore oo wadadan Gacanta ku haysa isla markaana gacan ka gaystay wadan ayaa isna dadwaynaha reer Burco ugu baaqay inay wadan ka qaybqaataan''Wadadan 400 oo lawdh oo caro tuul ah baanu ugu talo galay,anaguna waanu ka qayb qaadanay ,dadwaynaha reer Burco meel kasta oo ay joogaan waxaanu ugu baaqaynaa inay gacan ka gaystaan.
Gudoomiyaha xaafada f/oomaar Siciid Cali Dacar oo lacagta ku wareejiaya Maayarka Burco ayaa hadal kooban ku yidhi''Lacagtani waa 11 kunoo Doolar waxaanu kasoo ururinay dadwaynaha xaafada faarax oomaar,wadadan dherrerkeedu waa 3 km iyo badh 1km waxaa dhistay oo hada dhamaysay d/hoose anaguna intan wadada kaga hadhi mayno ee waanu ka sii qayb qaadanaynaa.
Xildh.C/laki,Hure Walanwal,Gudida wadadan ayaa iyana dhamaantood dadka ugu baaqay inay ka qayb qaataan wadadan.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: Axmedmm9@hotmail.com