Monday, November 24, 2014

Waa tee Magaalada ugu wanaagsan dunnida ee lagu noolaan karo laguna ganacsan karo?

dubia(GNA)Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ad ka shaqaysa qiimeynta wadamada ugu wanaagsan dunnida ee lagu noolaan karo lagana shaqeysan karo ayaa waxay ku sheegtay in magaalada Dubai ay tahay magaalada ugu wanaagan xilligaan ee lagu noolaan karo ama laga shaqaysan karo.

Hay’addan oo soo saartay liis ay ku qoran yihiin illaa 5 magaalo waxaa kaalinta koowaad ku jirta magaalada Dubai oo xarun u ah dalka isku taga Imaaraatka Carabta oo ay hay’aadan sheegayso inay u mudan tahay xilligan in lagu noolaado laguna dhex shaqaysto.

Hay’adda warbixintan diyaarisay oo INSEAD la yiraahdhaa waxay ku sheegtay in marka loo eego adeegyada qofka bini’aadamka ah ka heli karo xilligaan ay tahay mid ay ku mutaysanayso inay hesho booska ah magaalada ugu wanaagsan xilligan.

Miguel Lobo oo ah agaasimaha hay’adda INSEAD waxaa uu sheegay in magaaladan ay ku qiimeeyeen adeegyada aa aasiga bini’aadamka u ah oo magaaladan laga heli karo aadna u fudud oo aan lagu dhibaatooneyn Magaalooyinka New York Hong Kong Singapore, London iyo Paris ayaa ka mid ah 5 magaalo ee adddunka loo aqoonsanayo inay ku wanaagsan yihiin nolosha iyo ganacsiga.

Magaalada Dubai oo xarun u ah dalka Imaaraatka waxaa ku nool dad tiradooda lagu qiyaaso 2,106 million oo ruux waana magaalada ugu dadka badan Imaaaraatka oo dhan.