Saturday, November 22, 2014

Wada-hadalada Nukliyeerka Iiraan oo ku dhow in lagu kala kaco

kerryVienn(GNA)-Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay inaanu wali muuqaan isku soo dhawaanshiyo ku aadan wada-hadalada barnaamijka Niyuukliyeerka ee Iiraan, xilli wada-xaajood u socdo ergooyin labada dhan metelaya.

Hasayeeshe, waxa la sheegay in Mareykanka uu aad ugu dadaalayo sidii la isugu soo dhawaan lahaa, waxaana Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry uu dib u dhigay qorshe uu kaga laaban lahaa Magaalada Vienna ee waddanka Faransiiska oo marti-gelisay wada-hadalada, waxaanu go'aansaday inuu sii wado wadahadalada uu kula jiro dhigiisa dalka Iiraan Javad Zarif oo halkaas ku sugan.

Washington iyo Tahraan Waxay isku dayayaan inay meesha ka saaraan ismarin-waaga, ka hor inta aan la gaadhin Isniinta oo ah mudada kama dambeysta ah ee loo qabtay in heshiis lagu gaadho. Hase-yeeshee Wadahadalada ayaa u muuqda kuwa aad u adag oo aanay wali bilownayn halbeeg curin kara is-faham.

Dhinacyada ayaa doonaya in ay meesha ka saaraan sanado ay jireen is aaminaad la’aan iyo xiisad u dhaxaysa oo ku salaysan Arrinta tarminta Nukliyeerka ee Iraan, waxaana weli taagan kala duwanaansho aad u weyn oo aanay saan-saan heshiis lagu gaadhi karaa ka muuqan.

Labada arrimood ee la isku mari la’yahay waxa ay yihiin; waqtiga Iiraan laga qaadi doono cunaqabateynta saaran iyo xaddiga loo ogolyahay inay Iiraan taya-kordhin ku samayso macdanta yuraaniyamka, taasoo loo adeegsan karo in lagu dhaliyo koronto iyo sidoo kale in lagu soo saaro hub niyuukliyeer ah.

Iiraan waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda uu yahay mid ammaan ah