Friday, November 28, 2014

Masaajido loo xidhay Qul-qulatooyinka amni-daro oo dib loo furay Kenya

Mombasa(GNA)-Dowladda Kenya ayaa dib u furtay afar masaajid oo ay horey booliska dalkaasi ugu xidheen cabsi dhanka argagixisada ah, kaddib markii ay sheegeen in ay ka heleen hub iyo waxyaabaha qarxa.

Xidhitaanka Masaajidan ayaa xiisad ka abuurtay magaalada Mombassa oo in muddo ah ay ku soo noqnoqdeen isku dhacyadda u dhexeeya dhalinyaro islaam ah iyo booliska.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in masaajidadan ay la wareegeen dhalinayo xag jir ah.

Afarta masaajid ee dib loo furay ayaa mid ka mid ah salaadii duhur waxa ku tukaday hoggaamiyaasha siyaasada ee gobolkaasi xeebta Mombasa.

Wadahadalo u dhaxeeyey siyaasiyiinta iyo dowladda ayaa waxa la isla gartay in masaajidadaas lagu wareejiyo guddi ay soo magacawday dowladda oo maamuli doonta.

Culimada Islaamka dalka kenya ayaa si xooggan u cambaareeyey xidhista masaajidada, iyaga oo ku tilmaamay in ay yihiin maclumaad aanan lagu kalsoonaan kareynin wararka ay boolisku sheegeen ee ah in hub laga helay masaajidada.

Magaalada Mombassa ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxa ku soo noqnoqday isku dhacyadda u dhaxeeya booliska iyo Kooxaha dhalinyarada ah oo askarta ku eedeeyay beegsashada dadka islaamka.

Dhowr wadaad ayaa sidoo kale lagu toogtay magaalada tan iyo bilowgii qul-qulatooyinka.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale ku eedeeyey dowladda in awood xad dhaaf u adeegsanayaso la tacaalidda waxa ay ugu yeedheen argigixisada.

Dibadbaxyo ka dhacay magaalada kaddib hawlgaladda ay booliska ku xidheen masaajidda ayaa waxa loo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, waxaana qaar ka mid ah lagu wadaa in maxkamad la horgeeyo maalinta jimcada ah.

Weerar ay sheegatay Kooxda Islaamiga ah ee Alshabaab, ayaa todobaad ka hor lagu khaarajiyay 28 Qof oo u badan Macalimiin haysta Diimaha aan Islaamka ahayn.

Dadkan ayaa laga soo dhex xushay Rakaab la socday gaadhi Bas ah oo ku socday magaalada Nairobi, kana baxay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari.

Arrimahan ayaa keenay inay timaado cabsi laga qabo isku dhac diimeed oo u dhexeeya Shacbiga, waxaanay asxaabta Mucaaridku ku eedeeyeen dawladda inay daawanayso dabka ku sii fidaya dalka ee nabad-gelyo darada ah.

Geesta kale, waxa usbuucan dhamaaday Magaalada Mandheera iskaga baxay dhamaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee ka howl-gelayay, kuwaasoo cabsi darteed halkaasi uga qaxay.

Macalimiinta la laayay ayaa bareyaal ka ahaa Dugsiyada Dawladda ee Gobolka, waxaanay waayistoodu sababtay in Dugsiyo badan albaabada loo xidho.