Saturday, November 29, 2014

Fadeexadda Shilkii Geerida ee Madaxtooyada iyo Rayidka “Dacar-budhuq”

Dacar, budhuq: Isku-dhacyadii Gaadiid weftiga iyo Shicibka + Gurmad la’aantii Dhaawaca rayidka+geeridii Dhiig-baxa iyo Saylici oo iska moosay Khalad..Hoos ka Daawo

SAYLICI IYO SHLDacar-budhuq(GNA)-mid ka mid ah, ayaa Geeriyooday lix ruux oo shalay gelinkii dambe ku dhaawacmay Shil-gaadhi oo ka dhacay Duleedka Tuulada Dacar-budhuq oo ku taalla jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera, kaasoo ka dhex- dhacay mid ah Gaadiid Kolanyo ah oo la socotay Wefti madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hogaaminayay oo ku sii jeeday Magaalada Berbera iyo Baabuur Shicib ah oo Hargeysa ku socday.

Shilka-baabuur oo ka dhacay duleedka/dhinaca Galbeed ee Tuuladda Dacar-budhuq oo Juqraafi ahaan dhacda badhtamaha jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ayaa sida Wargeyska Yool uu u sheegay goob-jooge ku sugnaa bog-cadii shilku ka dhacay, waxa isku dhaca labada gaadhi uu dhaawac culusi kasoo gaadhay saddex kamid ah dadkii la socday Gaadhiga NOHA-da ah oo mid kamid ah yahay Mu’adinkii Masaajidka Tuuladda Dacar-budhuq, oo isagu kasoo raacay Tuuladdaas, darawalka ama Wadihii-gaadhigaas, iyo sidoo kale, qof ka tirsan rakaabka markii hore ee la socday.
Geesta kale, sida goob-jooguhu xusay, waxa dhaawac fududi shilkaas uu kasoo gaadheen saddex ruux oo kamid ah dadkii la socday kolonyada Baabuurta Madaxweyn-ku-xigeenku uu watay, kuwaasoo uu ku jirey Wiil uu dhalay Md. Saylici, waxaana wararku intaa ku dareen in dhaawac Wiilka Madaxweyne-xigeenku dhalay iyo labadii ruux ee kale durbadiiba loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, kadibna Madaxweyne-xigeenku uu socdaalkiisa iska sii watey, isagoo aan wax gurmad ah u fidin dadka rayidka ah ee waxyeeladu gaadhay.
Dhanka kale, waxa dhaawacyada dadkii kaloo uu ku jirey Mu’adinkii Masaajidka Tuuladda Dacar-budhuq iyo laba qof oo kale, kuwaasoo xaaladooda Caafimaad aad u cuslayd halkii lagaga tegay halkii shilku ka dhacay, kuwaasoo ay markii Wadayaasha gaadiidkii wada-marayey iyo dadweyne kale usoo gurmadeen dib loogu celiyey dhinaca Dacar-budhuq, waxa goob-jooguhu intaa ku daray in qofkii ugu danbeeyey dhaawacii dadkaasi laga soo qaaday Tuuladda Dacar-budhuq Abaara Sideedii-fiidnimo ee Xalay, waqtigaasoo si loogu daaweeyo loo-soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Ma jiro waxa war ah oo ku saabsan sababta shilka keentay iyo cida labada dhinac masuuliyada eeda shilka lahayd. Oo ka soo baxay Hay’adaha Nabad-gelyada waddooyinka, lamina garanayo cida waday iyo nooca uu ahaa Gaadhiga Kolanyada Madaxweyne ku-xigeenka ee ka tirsanaa ee ay isku dhaceen baabuurka Shacbiga, wallow ay la socdeen Wiilkiisa Axmed Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo laba Nin oo kale oo dhaawacmay.
Dhinaca kale, war lagu baahiyay Shebekadda Wararka ee Arraweelonews, ayaa lagu sheegay inuu Geeriyooday mid ka mid ah saddexda qof ee la socday Gaadhiga Shicibka ah ee ay isku dhaceen Gaadhiga weftiga madaxweyne ku-xigeenka, waxaanay shebekaddu warkeeda ku xustay in Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cabdullaahi Yuusuf Ismaiil(Ina Tima-cade) uu dhintay dhaawacii kasoo gaadhay shilka Baabuur, kadib markii uu waayay gurmad iyo gargaar caafimaad, kaasoo abbaaro sagaalkii caweysnimo la keenay Cisbitaalka isaga iyo Nin kale oo ay isku gaadhi ku dhaawacmeen , kaasoo isna magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cumar Xaaji Yuusuf.

dadweynihii Shilkan uga soo gurmaday Tuulada Dacar-budhuq, Wadayaasha gaadiidka wada-marayey,iyo sidoo kale qaraabada iyo dadkii ku soo booqday Dhaawaca iyo dhimashada Shilkaasi dhaliyay Fajac iyo ammakaag ku noqotay qaabka uu Madaxweyne ku-xigeenku u dhaqmay markii shilku dhacay, taasoo dadka qaarkood u fasisheen garasho daro , kuwo kalena inay axmaqnimo ka tahay Madaxweyne ku-xigeenka dalka inuu cidlo kaga dhaqaaqo dad dhibaato ku dhacday oo gurmad nafeed u baahan.
isu-weydiinta dhacdadan, ayaa isugu biyo shubanaysa sababta Madaxweyne-ku-xigeenka ku keliftay inuu dhabbada-cagta saaro, kadib markii uu ogaaday in dhaawaca Wiilkiisa soo gaadhay uu yahay mid fudud, weliba iyada oo xaaladda Caafimaad ee Wiilkiisu sidaa tahay, hadana intuu ku amray mid kamid ah Kolonyadii lasocotay, durbadiiba dib loogu soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, isagoo aan haba-yaraatee is-dul-taagin ruux qudha oo kamid ah dadkii kale ku dhaawacmay shilkaas.
Ehelada Marxuumka Geeriyooday ayaa sida Gobanimonews ay u xaqiijiyeen dad cisbitaalka ku booqday, aasida Maydka ayey ku xidheen Shuruud ah inuu Madaxweyne ku-xigeenku ka jid-bixiyo ax-maqnimada uu sameeyey, iyagoo u arkay jariimad bino-aadanimada ka baxsan.
SayliciSaylici oo Khaladkii Sababta shilka dusha u saaray Gaadhiga Shicibka
Waxaase Madaxweyne ku-xigeenka oo Jimcihii Maanta Telefishanka Dawladda ka hadlay uu khaladka Shilkaasi dusha u saaray Wadaha baabuurta ay saddexda qof ee shacbiga ahi ku waxyeeloobeen.
Saylici ayaa tacsi u diray ehelada Marxuumka ku geeriyooday Shilka, waxaanu u duceeyay dadka dhaawacmay oo uu Wiilkiisu ku jiro.
Halkan ka Daawo:



Shil kale Nabaad-diino xidhka u ahaa Weftiga Saylici
Geesta kale, weftiga madaxweyne ku-xigeenka oo casar-dheere ka caraabay magaalada Hargeysa, lana sheegay in foolaadka safarkiisu ahaa Burco, ayaa shil sahlan ku galay agagaarka Masaajidka Tabliqiyiinta ee Bariga Hargeysa, kaddib markii ay isku dhaceen Gaadhi lancruiser ah oo qafilan iyo mid ka mid ah Kolanyo Tikniko ah oo la socday.
Isku-dhaca Labadaa Baabuur, ayaa wax khasaaare ah ka dhalan, hase ahaatee khal-khal badan abuurtay, kaddib markii ay qoryo ku qabteen Baabuurkii Tiknikada ay isku dhaceen Ciidanka Ilaalada weftigu.
Shilkan Sahlan oo fajac iyo yaab ku abuuray Dad Shacab ah oo wadada uu ka dhacay marayay, ayaa wariyeyaal ka tirsan Yool oo jidka Marayay, waxa u suurto gashay inay Sawirro ka qaadaan sida wax u dhaceen.
Shilkaasi ayaa u muuqday mid nabaad-diino xidh u ahaa dhacdadan Dacar-budhuq uu kula kulmay.
Gobanimonews and Agencies