Friday, November 28, 2014

Daraasad cusub oo Tilmaamtay in Mobile-du ay keenaan cudurka kansarka maskaxda

mobile-cancer-(GNA)Daraasad cusub oo ayaa lagu muujiyey halista dhanka caafimaadka ee uu sababo telefoonada gacanta ee loo yaqaan mobile-ka, taasi oo lagu sheegay in ay khatar  weyn ku keeni karaan qaybo ka mid ah maskaxda bini’aadamka.

 

Daraasadan oo ay maalgalisay hay’ada caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu xusey in dakda isticmaala Mobile-ka ay khatar weyn naftooda galinayaan, gaar ahaan cudurka kansarka ku dhaca maxkaxda.

 

Daraasada oo ay soo saareen 31 saynisyahano uu u dhashay 41 wadan ayaa waxaa lagu ogaaday in singnal-ka mobile-ka uu wato gaar ahaan antenada ay waxyeelo u geysato qaybo ka mid ah maskaxda.

 

Kulan mudo todobaad ah ka socdey magaalada Lyon ee wadanka Faransiiska ayaa 31-kaasi cilmibaare oo ka tirsan hay’ada caalamiga ah cilimibaadhista cudurka Kansarka ( International Agency for Research on Cancer (IARC) ayey ka soo saareen cilmi baadhistan.

 

Agaasimaah guud ee IARC Christopher Wild ayaa talo ku siiyey in adeegsadayaasha mobil-ka ay isticmaalaan sameecadaha, isla markaana ay fariin diris ka doorbidaan in ay mobile-ka ku hadlaan saacado badan .

 

Cilmi baadhistu waxay cadeysay in ay shucaaca anteenada mobile-ku ay tahay tan ugu weyn ee waxyeelada u keenta maskaxda bini’aamka, taasi oo sababi karta cudurada kansarka maxkaxda.

 

Hay’adda deegaanka Yurub ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay dabada ka riixaysay cilmibaadhisyo kala duwan, tani oo ku ugu danbeeysay .

cabsida in shucaaca telefoonada gacanta ama mobile-ka ay halistoodu la mid tahay khatarta bini’aadamku ka qaado sigaarka & uurada ama qiiqa batroolka.

 

Talooyinka haboon ee dhanka caafimaadka ee ku socda Mobile Isticmaalayaasha (Mobile Users) Ku xafid mobile-kaaga shandadda yaree lagu xafido , intii aad ku qaadan laheyd jeebka ama jirkeega meel aad u dhaw, waayo daraasad horey u soo baxdey ayaa muujisay halista ragga shandadda yar ee mobile-ka ku xidha suunka dhexda inay mobile-ka shucaaca ka baxa uu waxyeelo u geysto uuna hoos u dhigo 30% minada ragga ama sperm waxa afka qalaad lagu yidhaah.

 

Adeegso fariin qoraal ama text messages ama email hadii ay macquul kuu tahay, intii aad mobile-ka ku hadli laheyd.

 

Isku day inaad isticmaasho sameecadaha dhageha ee waayir la’aanta ah (wireless headset), isku day inaad 20cm mobile-kaaga ka fogeyso madaxaaga, taasi oo 98% hoos u dhigta waxyeelada shucaaca mobile.

 

Iska ilaali in mobile-ka aad ku qaadato jeebabka sare, waxaa jira dad jeebka bidix ee shaadhadhka ama jaakadaha ku qaata mobile-ka, kuwaasi oo soo dhicitaanka mobile-ku uu yimaado xili uu ku dhaw yahay wadnaha taasi oo ah waxyeelo kale oo halis ah.

 

Isku day in mobile-kaaga marka aad garaacdo aad ka sii eegto shaashada in uu kuu baxay, in lagaa qabtey & in uu iska dhacayo, si dhicitaankiisa ama hawo galistiisa aadan dhagta ugu heyn, telefoonada dambe oo dhan ee casriga ah waxay leeyihiin tilmaam in uu dhacayo iyo in lagaa qabtey.

 

Isku day inaad yareyso inta aad ku hadasho mobile-ka, laba daqiiqaba ha ahaatee waxay leedahay waxyeelo sida ay sheegayso daraasadu.

 

Ilmaha yar yar waxay halis ugu jiraan waxyeelada mobile-ku u geysto maskaxda, sidaasi darteed mar kasta ka ilaali inay ku hadlaan waqti badan.

 

Ha sameyn wicitaan mobile-ka hadii aanay jirin awood anteenada (signal strength) waxaa wanaagsan in mobile-ku uu haysto qaadasho xidhiidh (establish a connection), inta badan daaraha hoostooda, wiishashka guryaha loo raaco & gawaarida dhexdooda waxay keenaan in mobile-ku uu awoodi waayo in uu xidhiidh (connection) sameeyo.

 

Diyaariye;-C/qaadir Askar 

Gobanimonews.com