Sunday, November 23, 2014

Gunaanadka Khilaafka Wakiillada iyo Giraanta Geediga Xeerka u Gudubtay Guurtida

Dhaamadka Gulufka hore: Yaa Libtu Raacday, Yaa’se laga Guulaystay, Muxuu’se Saleeban-gaal ka Dheefay?Gorfeyn iyo Falanqeyn


siilaanyo iyo barlamHargeysa(GNA)-Loollanka iyo is-muquunintii dhinaca awoodda ee u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Iyo Xisbiyada Mucaaridka oo isku dhinac iyo Xukuumadda iyo Xildhibaanada Muxaafidka u ah, ayaa hal iyo Saddex ku kala badiyey kadib hirdan Siyaasadeed socday mudd afar (4) toddobaad ah, waxana natiijada Ciyaarta kama dambeysta ah si rasmi ah Shalay ugu dhawaaqay Duqayda Golaha Guurtida oo iyagu Sabtidii toddobaadkii hore isu xil-qaamay furdaaminta khilaafka  Sida Daadka u kala gudbay Golaha Fulinta iyo labada Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda).

Ra'yi uu ururin Wargeyska Yool ku sameeyey Maxsuulka qaraarkii ergada Guurtida kasoo saartay xalinta khilaafka, ayaa 68% afkaarihii aanu ka ururinay Dadka Siyaasadaha faaqida iyo Aqoonyahanka isha ku haya arimahan, waxay aragtiyahaasi ka mideysnaayeen in garabka Mucaaridka ee hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Saddex arrimood ku guuleysteen iyo Xildhibaanadii Gobolka AWDAL, halka Muxaafidkana siday xuseen hal qodob oo u dhiganta 32% ra’yi ururntii.

Afkaaraha hore ee qaba in masuulkii qaraarka Guurtidu guul u noqday Mucaaridka, ayaa iyagoo fasiraya asbaabaha ay u nisbeeyeen libinta Mucaaridka waxay xuseen inay libin u tahay garabka Guddoomiye Cirro in guddoonka Goluhu lama taabtaan yahay inta Doorasho laga gaadhayo iyo in Golaha Guurtidu saxid ku samayn doono arimihii is-maan-dhaafku ka dhashay ee Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, iyagoo ula-jeedada arrinkaas sii sharaxaya waxay tilmaameen in Mashruuca Sharci ee Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu uu Golaha Wakiilada kaga ansaxay 64 cod, kala badh iyo dheeraad, sidaa darteed haddii Xeer Golaha Wakiilada cod intaa le’eg waxa Golaha Guurtida la gudboon laba arrimood midkood; waa ka hore’e inay duuduub ku ansixiyaan iyo ka labaad oo isna ah haddii ay dhacdo inay wax ka bedel ama kaabis ku sameeyaan mooshinkaa Sharci waxa looga baahan yahay inay ku ansixiyaan tiro ka badan intii uu kaga soo gudbay Golaha Wakiilada. Sidoo kale waxa kooxda aragtidan huwani kusoo af-meereen masalada Saddexaad ee ay libta ugu tiriyeen Mucaaridka oo isna ah ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo fure u tahay habsam-u-socodka iyo dedajinta hawlaha Doorashooyinka, iyagoo marka la ansixinyaba gudo-geli doona hawlahooda Shaqo.

Geesta kale Dadka aanu aragtiyahan ka qaadnay, iyagoo tacliiq ka bixinaya fikradahooga ku aadan in libintii garabka Muxaafidku ka heleen maxsuulkii kasoo baxay ergada Guurtida uu yahay hal qodob (32) oo keliya waxay ku fasireen doodahooga odhanaya garabka hal guul ah, kaasoo ah qodobka labaad in khaladaadkii ku dhacay Mashruuca Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha uu leeyahay masuuliyadooda uu leeyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, inkastoo Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanadu ay hoosta ka xariiqeen qaybta dambe ee qodobkan oo Sharaxaya sababta masuuliyada eedda la saaray Guddoomiye Cirro oo aan ahayn mid si ficil ah wax u tilmaamaya, hase-ahaatee xubnaha ra’yiyadan aanu ka qaadnay waxay qabaan in aanu qodobkani u dhisnayn si qaanuuniya, balse uu u taagan yahay eed iyo burrin Madax buuxis ah.

Hase-yeeshee, marka doodaha iyo aragtiyahan laga yimaado waxan shaki ku jirin in loollankii Xadhig kala jiidashada ee iskaga gudbay Goleyaasha Qaranka ee ay soo gudbintiisa lahayd Madaxtooyada, Golaha Wakiiladduna Laadka Baqayo rogashada ah isku dhaafiyey inuu hadda u go’ay Golaha Guurtida, inkastoo Guddoomiye Saleebaan in badan ka maagay in sidii Sharcigu ahaa uu Golaha horgeeyo mashruuca sharci ee murranka daaray, hadda se dani kusoo ooday oo xaalkiisu yahay Samir taag-waa’, balse marka taa laga yimaado waxay dooddi ka taagan tahay qaabka Guddoomiye Saleebaan isu waafajin doono kaabista ama wax-ka-bedelka Mashruuca Sharci, damaca Xukuumadda, mawqifyada Guurtida Duqayda u badan oo marka arrimahani kale taagan yihiin Magaca Qaranka ka jecel Mustafeynta iyo baahida Guddoomiye Saleebaan u qabo in wax-ka-bedel kadib uu Golihiisa ka helo tiro ka badan Codadkii kaga soo gudbay Golaha.

Waxa kale oo Iyana aan murran ka taagnayn haddii ifafaalaha muuqda ay dhacdo in Doorashadu ku qabsoomi weydo waqtigeeda yaa dusha ku qaadi doona eedda masuuliyada gogol-xaadhka dib-u-dhaca Doorashada iyo Damaca muddo-kordhinta, taasoo ka dhalan karta fara-fareeyo qobodobada xasaasiga ah ee Xeer No.37/2007.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com