Thursday, November 27, 2014

Ucid noqo maayo sida Xukuumadda Kulmiye...Q10aad

Xisbiga UCID waxa qorshaha ugu jira inuu siyaasad qeexan ku maamulo, korna ugu qaadi doono dhaqaalaha dalka,markaa maanta waxa aan shacabka u bidhaamin doonaa wax ka bedelka xisbiga UCID ku talo jiro inuu ku samayo habka wasaarada maaliyadu u shaqayso.Waxa nasiib wanaag ah inuu musharaxa madaxweyne Md.Jamaal ee xisbiga UCID yahay khabiir ku xeelad dheer dhaqaalaha,waxaynu ognahay inuu mashaariic badan ka hirgeliyay dalal kala duwan oo aduunka ka mid ah gaar ahaan mashaariic uu masuul ka ahaa bankii uu madaxda ka ahaan jiray,dhawr bank oo sii saqiirayana ka badbaadiyay godkay ku sii dhacayeen.Ku-xigeenka musharaxa Md.Abdirashiid oo isna ah khabiir ku xeelad dheer maaamulka, kana soo hawl galay hay’ado kala duwan iyo dalal kala duwan.Sidaa darteed xisbiga UCID waxa uu dalka ka fulin doonaa habka ugu wanaagsan ee dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa,laguna naaxin lahaa.
Xisbiga UCID waxa uu xoojin doonaa suuqa xorta ah(Free Market Economy),waxaana la laali doonaa habka fara-ka-qaadka (Laise Faire),waxa la hirgelin doonaa habka dhaqaale ee loo dhanyahay(Inclusive Policy)taa oo muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi heli doono saamigiisa,qaabkan oo lagu dhamays tiri doono dhamaan dalka JSL si uu dhaqaalaha dalku isugu xidhnaado,lana wada wadaago oo aan sida xukuumada kulmiye ugu koobtay kooxo gaar ah iyo magaalooyin gaar ah u sii socon.Xisbiga UCID waxa uu samayn doonaa sharciyada Banks-ka,waxa uu isbedel ku samayn doonaa qaabka wadashaqaynta Banka Dhexe iyo xawaaladahu,dhamaan xawaaladahana waxa loo samayn doonaa shuruuc ku salaysan dastuurka,waxaanay hoos tegi doonaan Banka Dhexe,xisbiga UCID waxa ay samayn doontaa National Banka xakameeya lacagaha aduunka ee dalka ka shaqeeya,waxa kor loo qaadi doonaa qiimaha lacagta JSL,waxa dalka loo ogolaan doonaa Banks-ka shisheeye inay laamo dalka ka furtaan si xidhiidhka ganacsi
ula jaan qaado aduunka.
Xisbiga UCID waxa uu kaga shaqaysiin doonaa lacagaha kaashka ah(Cash) ee iska dhex hoganaya xawaaladaha,waxaana lagu fulin doonaa wax soo saar si faaidada dadka sinaansho loogu qaybiyo faaidada,dhaqaalahuna u kobco.Xisbiga UCID waxa isbedel ballaadhan ku samayn doonaa siyaasada kobcinta xoolaha iyo kor u qaadida nolosha xoola dhaqatada maadaama xoolahu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee JSL,waxa la samayn doonaa (Rural Development Banka) si uu uga hawl galo fadhiisinta iyo dhaqida xoolaha,loogana hor tago xoolahu inay dabar go’aan,waxa xoojin doonaa dugsiyada iyo colleges-ka lagu barto daweynta iyo xanaanaynta xoolaha.Siyaasadan oo xisbigu ku salayn doono horumarinta miyiga(Rural Development).Xisbiga UCID waxa uu ku talo jiraa inuu sameeyo warshado hilib,waxaana la kordhin doonaa suuqyo kala duwan(Multi Markets) oo aan sida xukuumada kulmiye lagu ekaan suuqyada carabta.
Xisbiga UCID waxa uu guud ahaan kor u qaadi doonaa wax soo saarka dalka,lana yarayn doonaa waxyaabaha dibada laga keeno ee dhaliya sicir bararka,waxa la joojin doonaa habka loo yaqaano dhaqaalaha xakamaysan(Monopoly).Waxa kale oo xisbiga UCID ugu jira qorshaha siyaasad cad oo dib loogu soo celinayo ugaadha iyo duur-joogta, loona samayn doonaa kaymo u gaar ah(Conservation).
Waxa dhamaan la laali doonaa habka maamul xumo ee xukuumada kulmiye ku curyaamisay dhaqaalaha dalka kuna kooban kooxo gaar ah.Xisbiga UCID waxa uu hoos u dhigi doonaa cashuurta ay xukuumada kulmiye cirka ku laashay ee islaamaha caanaha iibiya,innamada kaar-yoonaha dharka ku iibiya cunaha qabatay,saartayna cashuur aanay hadi karayn,cashuur dhaafna u samaysa sharkadaha waaweyn iyo maalqabayaasha ugu tunka weyn.Xisbiga UCID waxa qorshaha ugu jira inuu dalka ka curiyo habka cashuuraha ugu haboon ee ku salaysan dakhliga iyo kharashaadka muwaadinka,waxa laali doonaa cashuurtan siman ee aan lahayn soohdin si ay ula jaan qaado nolosha kala gedisan ee muwaadiniyiinta.Xisbiga UCID waxa uu dalka ka fulin doonaa maamulka ugu wanaagsan ee cashuuraha,dhibna ku ahayn muwaadiniyiinta,dhaqaalaha dalku waxa uu ku xidhnaan doonaa wax soo saarka ee sida xukuumada kulmiye ku xidhnaan maayo cashuuro qasab lagaga guro danyarta ay cadaalad-darradu hadhaysay.Xisbiga UCID waxa
uu………..
La Soco…………..
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secr.
UCID
0634026100
Hargeysa/JSL