Monday, November 24, 2014

Xildhibaannada oo Jeex-jeexay Waraaqihii Mooshinka loo qaybiyay..Daawo

Cali Khaliif oo farta ku fiiqay Xudunta Khilaafka iyo siday maanta wax u dhaceen..hoos ka Daawo

prof-jawaariMuqdisho(GNA)-Baarlamanka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan aan degenaanshiyo ku dhicin oo loogu qaybiyay Motion-ka ka dhanka ah Reysal-wasaaraha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoomiyay Shirkan oo aan wakhti qaadan.

Saxaafadda ayaa gabi ahaanba laga madnuucay inay ka soo ag-dhawaadaan xarunta baarlamaanka. Xildhibaanada labada Garab u qaybsan ayaa la sheegay in Albaabka laga galo xarunta loogu qaybiyay Waraaqaha Moshinka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa la sheegay inay isla goobtii loogu dhiibay Mooshinka ay ku jeex-jeexeen Warqadaha.Halkan ka Daawo sida Waxay u dhaceen:

Motion-ka ayaa ku baaqaya in codka kalsoonida loo qaado Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Ahmed, kadib markii khilaaf isaga iyo madaxwaynaha uu dhaxeeyaa carqaladeeyay howlihii dowladda.labada sheikh

Is afgaranwaaga madaxwaynaha iyo ra'iisul wasaaraha, ayaa soo shaac-baxay kadib markii Ra'iisulwasaaruhu uu sameeyay isku shaandhayn uu wasiirka cadaaladda, Faarax Cabdulqaadir u wareejiyay wasaaradda xanaanada xoolaha.

Bulshada caalamka, ayaa ugu baaqday madaxda dalka in ay murankooda wadahadal ku xaliyaan.

Asbaabaha sal dhiga u ah Khilaafka soo noqnoqday ee Madaxda Soomaaliya ayaa ah qabyada Dastuurka.

Dastuurka Qabyada ah, ayaan qeexayn ama aan kala xaddeynayn awoodaha Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha, saldhigna u ah isqabqabsiga labada masuul.

Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya haatan ah Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in sii socoshada muranka Madaxda dawladdu uu dalka ku celin karo dhibaatooyinka laga soo kabanayo.

Galaydh ayaa sheegay “waa Nasiib daro in madaxweynaha labada dannadood joogaa uu reysal-wasaarihii labaad uu isqab-qabsi ka dhex bilaabmo, Bishii November ayaa la bedelay Reysal-wasaarihii hore, iminkana kii kale ayaa la bedelayaa anigu ma arko inay wax micno ah samaynayso bedelka reysal-wasaaruhu, laakiinse waxa weeye in Dastuurka la qabyo tiro, waayo sababta ugu weyn ee Khilaafku waa Dastuurka,”ayuu BBC u sheegay Madaxweyne Galaydh.

Geesta kale, Shacbiga Soomaaliyeed ayaa wadna farta ku haya natiijada uu keeni karo Khilaafka Madaxda Soomaaliya u dhexeeya ee sameeyay dhamaan Hay’addaha dalka ugu sareeya.

Kulanka Baarlamanka ee lagu qaybiyay mooshinka ayay dadku aad isha ugu hayeen, wallow aanay ka soo bixin natiijo lagaga gun-gaadhi karo Khilaafka Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha.

Golaha Shacbiga ayaa fadhiga looga doodayo Mooshinka u balamay sabtida soo socota, laakiinse ma cadda sida badka loo soo dhigi karo maadaama ay xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinku aanay ogolaynba in dood la geliyo.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com