Wednesday, November 26, 2014

Bad-maaxayaal lagu toogtay Xeebta Saylac.Daawo

Selel: Ciidanka Ammaanka oo fuliyay howl-galo ka dhan ah Tahriibta iyo Badhasaabka Gobolka oo Bogaadiyay

Hoos ka Daawo Nin Bad-maaxe ah oo lagu toogtay Sacaadadiin....
xeebahaSaylac(GNA)-Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Selel, ayaa todobaadkan fuliyay howl-galo ka dhan ah Tahriibeyaasha ka dhoofa Xeebaha Galbeedka ee dalka, sida uu sheegay Badhasaabka Gobolkaas Cabdirisaaq Waaberi Rooble.
Ciidanka Badda oo kaashanaya kuwa Milateriga ee aaggaasi fadhigoodu uu yahay, ayaa gacanta ku soo dhigay in ku dhow 27 Ruux oo Tahriibeyaal ah iyo Laashash la tuhunsanhay inay yihiin kuwa Tahriibeyaasha halkaasi ka qaada.
Dadka uu howl-galkani saameeyay waxa ka mid ah Nin aan Magaciisa la aqoonsan oo watay laash yar oo ka yimi dhinaca Dalka Yemen, kaasoo ay Ciidanka Ilaalada Baddu qabteen 20-kii Bisha, isla markaana howl-galkii lagu qabtay uu dhaawac ka soo gaadhay, kaddib markii ay Ciidanku Rasaas ku fureen isagoo maraya Jasiirada Sacaadadiin.
Ninkan oo isagoo dhaawac la keenay Cisbitaalka Magaalada Saylac, ayaa Muuqaal laga soo duubay waxa uu ku sheegay inay ku dhaceen saddex xabbadood, kaddib markii ay askartu ku fureen rasaas isagoo badda ka soo baxaya. “dhibaato badan ayay ii geysteen. Gaadiidkii aan watay Mishiinkaa saddex Midh oo Rasaas ah lagaga dhuftay, anigana xabbado ayaa igu dhacay oo waaniga jiifa, waxa lay sheegay inay jiraan dad kale oo tahriibeyaal ah oo la qabtay”ayuu yidhi Ninkan oo magaciisa loo qariyey sababo dhinac nabad-gelyada ah.Ciidanka Xeeba Halkan ka Daawo Ninka dhaawac ah:



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo la xidhiidha howl-galadan ay ka fuliyeen Xeebta Galbeedka, Saraakiil aanu la xidhiidhnayna waxay ka jawaabi waayeen Telefoonnada gacanta oo aanu ka wacnay.
Hase ahaatee waxa lagu soo waramayaa inay Ciidanku isticmaaleen Laashash nooca dheereeya ah oo dhawaan la siiyay, kuwaasoo u suurto-geliyay inay Masaafo dheer oo biyaha badda ah gaadhaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda iyo khataraha ka soo gudbi kara.
Badhasaabka Gobolka Salel Cabdirisaaq Waabari Rooble, ayaa sheegay inay qabtay 27 qof oo tahriibeyaal ah oo sifo sharci darro ah doonayay inay uga tahriibaan biyaha degmadda Saylac.
Badhasaabka Gobolka Selel ayaa Ciidanka ku ammaanay talaabooyinkan ugu dambeeyay ee ay qaadeen ee dhanka sugida ammaanka badda ah.
“Waxaan ammaanayaa ciidamadda qaranka iyo ilaaladda xeebaha Somaliland ee gobolka Salel, waxaanan halkan ka caddaynayaa in 27 qof iyo laashka la qabtayba la hor-geyn doono maxkamadda gobolka Salel,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Salel, waxaanu sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ciidammadda kala duwan ee dalka ee sugan gobolkaas ay si feejigan ula socdaan dadka doonaya inay ka tahriibaan biyaha Saylac.

Gobanimonews

Saylac Office

Email: editor@gobanimonews.com