Friday, November 28, 2014

WFP oo markii ugu horaysay Raashinka ka iibsanaysa Beeralayda Somaliland

wfpGabiley( GNA)Waxa maalintii shalay safar shaqo ku tagay Gobalka Gabiley, wefti uu hogaaminayo Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland, Yuusuf Cismaan Garas, oo uu weheliyo madaxa Xafiiska Hay'adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka, kuwaasoo lagu soo dhaweeyey Magaalada.

Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, oo ay socdaalkiisan ku weheliyeen masuuliyiin ka mid ah Hay'adda oo uu ka mid yahay Yuusuf Daa'uud, ayaa ujeedada safarkooda ku sheegay sidii ay xukuumaddu u dhiiri-gelin lahayd wax-soo-saarka beeralayda dalka, iyo sidii raashinka ay soo saaraan beeralayda dalku ay uga iibsan lahayd Hay'adda WFP.

Waa markii ugu horaysay ee Hay’adda WFP ku dhawaaqdo in Raashinka ay ku fulinayso Mashaariicda ay ka iibsanayso Beeratada waddanka, taasoo ay Bulshada reer Somaliland iyo Dawladduba ku canaan jireen sababta ay dibada keenayso Raashinak qaydhin xilliga Beeraha dalku soo go’aan.

''Xukuumad ahaan waxa naga go'an sidii aanu u dhiiri-gelin lahayn wax-soo-saarka beeralayda dalka, Xukuumad ahaan waxa aanu ku qancinay Hay'adda WFP, in ay dhiiri-geliyaan wax soo saarka beeralayda dalka, oo ay Hay'adda WFP. ka iibsato beeralayda dalka raashinka ka soo go'a, beerahooda. Arintaasna si rasmi ah ayaanu maanta guul uga gaadhnay, Badhasaabka Gobalka Gabiley-na xafiiskiisa ayuu nagu qaabilay, Madaxdii Hay'adda WFP, way nala qaateen arrintaas, wxaanay noo cadeeyeen in ay diyaar u yihiin iibsashada cuntada wadaniga ah ee aynu beerano''.ayuu yidhi.

Maareeyuhu, waxa uu soo jeediyay beeralayda sida ay lagama maarmaanka u tahay in beeralaydu ay muujiyaan dadaal iyo xilkasnimo dheeraad ah, isla marakaana looga baahan yahay in ay awoodooda isugu geeyaan sidii ay u soo saari lahaayeen raashin badan.

Sidoo kale, Maareeyuhu, waxa uu kula dardaarmay beeralayda in ay illaaliyaan tayada raashinka, oo marka dalaga la jaro ay waajib tahay in la dhigo meel nadiif ah oo aanay waxyeelo ka soo gaadhayn.

Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, waxa uu tibaaxay in fursadani ay tahay markii u horaysay ee Hay'adda WFP, lagu qanciyo in ay beeralyda dalka ka iibsato cuntada wadaniga ah ee ay soo saaraan, iyada oo Hay'adda WFP, ay raashinka ka soo iibsan jirtay dibada.

Ugu danbayntii, waxa uu Maareeyuhu si weyn ugu mahad-celiyay Badhasaabka Gobalka Gabiley,sidii wanaagsanayd ee uu u soo dhaweeyay wefigoodan iyo sida uu ugu gacan siiyay safarkoodan wax ku oolka ah ee shaqo ee ay ku tageen Gobalka Gabiley.