Saturday, November 29, 2014

Guddida Doorashada Somaliland oo la ansixiyey

Hargeysa(GNA)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland. Fadhiga maanta oo uu Gudoominayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayey xubin xubin ugu codeeyeen mudaneyaashu, kaddib markii loo akhriyay khibradooda shaqo iyo waayo-aragnimada todobada xubnood.

69 Mudane oo aanu Guddoomiyuhu ku jirin, ayaa fadhiyay Fadhiga, kuwaasoo tiro isku dhadhow oo 69 iyo 68 ku ansixiyay xubnaha.

Guddida ayaa la magacaabay bishii October, waxaana soo kala xulay Asxaabta Qaranka, Goleyaasha Baarlamanka iyo Madaxtooyada. Waxaana shaqada kala wareegayaan Guddidii hore oo muddo xileedkoodu ku eekaa 29 Bishii October.

Laba ka mid ah Todobada xubnood ee Komishanka cusub ayaa xilal la-taliyeyaal ah ka hayay Xukuumadda ka hor intaan la magacaabin, kuwaasoo geesta kale midkood uu Xisbiga kulmiye Golihiisa dhexe uu ka tirsanaa.

Laakiinse waxaasoo dhan Golaha Wakiilladu may qiimeyn ee waxay ku ansixiyeen baadhis la’aan.

Sidoo kale, waxa Guddida ka mid ah Shukri Xasan oo ah Gabadha Qudha ee Guddidan ku soo baxday “walaahi howl-culus ayaa na hortaala, waxaan illaahay ka rajeynayaa inuu noo fududeeyo”ayay tidhi Shukri Xasan oo markii la ansixiyey kaddib warbaahinta la hadashay.

Xubnaha ayaa muddo xilleedkoodu yahay shan sanadood, waxaan laga sugayaa inay waajahaan dar-dar gelinta howlaha Doorashada kaabiga soo saartay ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka, iyo sidoo kale doorashada Goleyaasha Deegaanka ayaa hadii wakhtigu ku simo ay qabanayaan. Laakiinse waxa horyaalla caqabado badan oo ay ugu weyntahay qabyo tirka Shuruucda Doorashada iyo dejinta hanaanka iswaafajinta Xeerka wali Goleyaasha qabyada ku ah iyo kuwii hore ee doorashooyinka.

Gobanimonews

Hargeysa Office