Saturday, November 29, 2014

Wasiir Cadaani“Kursiga Hanjabaad iyo been laguma fuulo”Daawo

cadaani saxarHargeysa(GNA)-Wasiir-u-Dawlaha Wasaarada Maaliyadda Somalilanad Cismaan Saxar-diid Cadaani, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xildhibaanada Xisbigiisu ku xad-gudbeen masuuliyadda Xilalkka ay Qaranka u hayaan ee ay umadda ugu dhaarteen, kuna jahawareerinayaan shacbiga eedeymaha Cashuurta lagu soo rogay Hay’addaha Warbaahinta oo ay saddex sannadood ka hor Golahooda iyo Wasaaradda maaliyaddu si wada-jir ah u sharciyeeyeen, dhaqan-galna noqotay.

Wasiir Cadaani oo daba socday eedeymo Guddoomiye Cirro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilladu kala hor-yimaadeen fulinta Cashuur-sanaddeedka Hay’adaha Warbaahinta ay ku soo rogtay Xukuumadda Siilaanyo af iyo labadiisa daan ku sheegay in Baarlamanku ogolaadeen soo dejinta cashuurtaas.

Wasiir-u-duwalaha Maaliyadda oo Waraysi siiyay Warbaahinta Dawladda, ayaa sidoo kale ka waramay muhiimada ay Cashuurtu u leedahay Qaranka iyo cadaadka lacagta sanadkii laga qaadayo Wargeysyada iyo Telefiishanada Maxaliga ah, waxaanu ku tilmaamay Cashuurta Wargeysyada ee sanadlaha ah Afar Boqol oo kun oo lacagta Somalilnd ah (400,000shls), halka Telefishanada uu ku sheegay Kun Dollar oo lacagta Maraykanka ah, ($1000).

Halkan ka Daawo Muuqaal Telefishanka Dawladdu diyaariyay oo Cashuurta loogu ololeynayo: