Thursday, November 27, 2014

Xamarji oo siilaanyo ugu hanjabay inuu ku dagaalamidoono doorashadu haday maalinta 26 june dhaafto,

khudabada xamarji..
Hargaysa(GNA). gudoomiyahii hore ee gobalada hargaysa iyo togdheer muj.axmed X.c/laahi cumar(Xamarji), ayaa madaxweyne siilaanyo ugu hanjabay in aanu dagaal iyo codtoona kaga helidoonin doorashada madaxtooyada ee Sannad 2015 isaga oo madaxweyne Siilaanyo uga digay cawaaqibka ka imadona hadii ay doorashadu wakhtigeeda oo ku beegan 26 june ee sannada fooda inagu soo hays, waxaanu sheegay isaga oo madaxweyne siilaanyo toos ula hadlaaya in hadii ay dhaafto maalintaasi uu diyaar u yahay dagaal lagu nafwaayo waa sida uu hadalka u dhigaye Xamarji oo madaxweyne Siilaanyo la hadlaya waxa uu yidhi.
boobe
, madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay waad garanaysaa waxa aan samaynaayo hadii ay doorashadu ku qabsoomi waydo 26june,madaxweyne waynu isgaranaynaa,
dhica kale Muj. Xamarji oo ka hadlayay mawqifkiisa siyaasadeed ee uu ka taagan yahay dib u dhac ku yimaada doorashada madaxtooyada ayaa sheegay inuu u huridoono naf iyo maalba islamarkaana uu diyaar u yahay inuu galo xataa hadii ay nafi ku baxayso waxanu yidhi markale muj. xamarji.
, walaahi hadii ay labaatan iyo hadii ay toban ku dhimanayaanba waxaan ahayd kii gal ee diyaar u ah doorashada in wakhtigeed aan dhaafin madaxweyne waxaan ku leeyahay hadii aad codkaanu ku siinay aad nagaga heliwaydo dagaal iyo xoogna nagagama qaadaysid oo nagagama helaysida,...
sikastaba ahaatee hadalka uu maanta xamarji ka jeediyay munaasibad xisbiga waddani u qabtay isaga iyo siyaasiyiin kale ayaa ahaa mid si toos uu ugu diray madaxweyne siilaanyo oo uu hore si cad u taageersanaa balse hada uu ka diga rogtya xamarji ayaa ka mid ahaa halgamayaashii dalka u soo halgamay islamarkaana waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii dagaalka la soo galay siilaanyo wakhtigii doorashada madaxtooyada isaga oo ka soo noqday badhasaab gobalada maroodi jeex iyo togdheer
Mustafe Axmed(Herer)
gobanimonews/office
hargaysa/somaliland.