Sunday, November 23, 2014

Waddani: Ma Jirto dhalin-yaro naga baxay oo Kulmiye ku biiray”Warsaxaafaddeed

3Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq, ayaa beeniyay dhallinyaro sheegatay inay xilal ka hayeen Garabka dhallinyarada xisbiga waddani oo ku biiray xisbiga kulmiye.

“Qadhiidhka yar ee laydin siiyay waa cashuurtii laydinka qaaday ee , cidna haku caayina waxaydaan ahayna haku sheeganina”ayuu ku sheegay Maxamed Sadiiq War qoraal ah oo uu ka soo saaray Magaalada Hargeysa, kaasoo si faahfaahsan loogu iftiimiyay been abuurka Dhalinyarada Kulmiye ku biiray.
Waxaanu u dhignaa sidan: “Xisbiga kulmiye markii uu ahaa mucaaridka waxa lagu tilmaami jiray xisbiga sharka, markii uu talada dalka hantayna wuxuu noqday xisbiga beenta, buunbuuninta iyo boorabagandhada. Xukuumaddu iyadoo adeegsanaysa been baahiyaha qaranka ayay soo faadhiisisay dhallinyaro weji ku macaasha oo ay kasoo ururisay suuqa dhallinyaradaas oo cashuurtoodi shaah looga shubay laguna yidhi waxaad tidhaahan waxaanu kasoo diga roganay xisbiga mucaaridka ah ee waddani. Intaa kumay joogine waxay qabatay xaflad aan qiimo badan lahayn iyadoo dhamaan dadki meesha ka hadlay ay sheegteen xilal aanay xisbiga u hayn, dhallinta suuqa lagasoo ururiyay xisbiga kamay mid ahayn xilay hayaana haba sheegin,
Taageerayaasha beenta sheegaya ee lagusoo urursho shilimaadku waxay astaan u yihiin fashilka xisbiga talada haya, xisbiga kulmiyena wuxuu marayaa halkii uu maraayay xisbigii udub 2009 waqtigii uu taageerada dhalnteedka ah soo toomin jiray hudheelada kulmiyena jidkii mid ka liita ayuu maray manta maarkhatina waxa ka ah dhallinyarada xilalka aan jirin warbaahinta ka sheegtay.
waxaan cadaynayaa anigoo ah gudoomiyaha kumeel gaadhk ah ee garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga waddani, inaan dhallinyaradaasi wax xil iyo masuuliyada u hayn xisbiga waddani, waxaan bulshada u shegaynaa in dhallinyaradaasi karaamadoodi iyo wajigoodi siisteen maalin qadeed. Xilalka ay sheegteen dhallinyaradaasi weli cid looma magacaabin, Waxaananu leenahay Qadhiidhka yaree laydin siiyay waa cashurtiini, cidna haku caayina waxaydaan ahayna haku sheeganina.
xukuumadda waxaan leeyahay hantida aad ku qarash garaynaysaan guul wadaynta iyo taageerada gacan ku rimiska ah danyarta xaqa u leh ugu adeega cashuurta aad ka qaadan.
Dhallinyara haan waxaan ka xunnahay sida aan masuuliyadu ku dhisnayn ee ay u dhaliileen xisbiga waddani iyagoo adeegsaday luuqadii guulwadayaasha idman ee xukuumadda keligii talisnimada ah lagu yaqaanay. Qabiilka ay ku sheegen xisbiga waddani waa ka xor iyo xalaal waxaana marag ka ah sida bulshadu ugu heelant ahay bari iyo galbeed, xisbiga qabiilka ku suntana bulshadu way taqaan, waa xisbigii golaha dhexe reer reerka u fadhiisiyay, waa xisbiga go’aamadiisa qabiilka lagu saleeyo.
Xukuumadda siilaanyo waxay ilawsantahay in umadda Somaliland ku naanaysto, xukuumadii qaraabo kiilka, xukuumaddi qabyaaladda, xukuumaddi musuqmaasuqa, xukuumaddi boobka hantida umadda. Taariikhduna way is qoraysaa umadduna way ogtahay in dalka lagu maamulo qabyaalad kala qoqob iyo nin jeclaysi. Taageerada idinka luntay iyo bulshada aad beenta u sheegteen waxay idinku abaalin doontaa in hadhka madaxtooyada laydinka soo saaro maalinta shacabku codkooda ku ciil baxaayo.
Hadal haynta aan ku dhisnayn xaqiiqda ee lagu xoq xoqaayo xisbiga waddani ee habeenba dad lasoo shidaaliyay iyo wasiiro bariiskooda ilaashanaya oo mdaxtooyadu ku qsabto inay waddani ku dhaliilaan qabiil waxaan leenahay bulshadu xisbiga waddani way ogtahay inuu yahay xisboi qaran oo lagu dhisay aqoon iyo waaya aragnimo, Wadda ni waa xisbiga ugu da’da yar asxaabta waddanka ka jirta waana xisbiga ugu shacbiyada badan dalka. bulshadu idinka qaadan mayso cadceedna sacab laguma qariyo, xisbiga waddanina waa xisbiga midnimada wadajirka walalnimada iyo wax wada qabsiga.” Ayuu yidhi Xoghayaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com