Tuesday, November 25, 2014

Aqoon yahan Axmed maxamuud cali (Shiine),oo sheegay in aanay xukuumadu doorasho diyaar u ahayn

,anuu ninman badan oo wasiiro ah ayaan la sheekaystaa markaa waxay rumaysan yahiin in aanu madaxweyne Siilaanyo tartami karin sidaa darteen ay rabaan in ilaa labo sanno loogu daro...(Axmed Shiine),
DSC08217Hargaysa(GNA),aqoon yahan axmed maxamuud cali (Shiine afgarad)oo ka mid aqoon yahanka dalka somaliland,ee u dhuun daloola arimaha siyaasada somaliland, ayaa sheegay in inta badan golaha wasiirada xukuumada axmed Siilaanyo aanay doorasho wakhtigeeda la qabto diyaar u ahayn isaga oo ku tilmaamay in golaha wasiirada somaliland, ay aaminsan yahiin in aanu madaxweyne Siilaanyo gali karin kaambaynka iyo olalaha doorashada, maadaama uu da,yahay waxaanu sidaa ku sheegay mar uu maanta u waramaayay shabakada wararka ee Gobanimonews, axamed oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa.
,runtii golaha wasiirada anuu intooda badan waan la shakaystaa markaa waxay ku odhanayaan kol hadii aanu madaxweynahu kaambaynka iyo ololaha gali karin waxaanu doonaynaa in ilaa labo sanno la noogu daro, markaa xukuumadu diyaar wakhtigan uma ah inay doorasho qabato,
geesta kalna aqoon yahan axmed shiine waxa uu ka hadlay tacdiyada ay xukuumada siiilaanyo ku hayso saxaafada madaxabanaan ee somaliland, isaga oo sheegay in xukuumadu ay hada ku hawlan tahay sidii ay u bara saari lahayd saxaafada dalka u dhalatay isalmarkana ay dabada ka wado kuwo aan dalka somaliland, u dhalan oo ka soo horjeeda madaxbanaanideeda,
gaba gabadii wuxuu shacabka somaliland, ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad galyada dalkooda.
mustafe Axmed (herer)
Gobanimonews.com.office.
Hargaysa/Somaliland