Wednesday, November 26, 2014

Maxaad kala socotaa jimciyada Al-raxma?

Jamaal CabdilaahiIyadoo aynu alaaba lafa gurno kana hadalo maqaalada ka hadlaaya arimaha bulshada oo aan soo bandhigno isla markaana aan isku dayno inaan baraaujino dadwayneheena inagoo xooga saarayna arimaha bulshada ee kala duwan sida caafimaadka, waxbarashada,nabadgalyada,ka waaninta xumaanta oo dhan iyo ku waaninta wanaag oo dhan ayaan maanta waxaa n rabaa inaan wax  ka dhoho dadwaynaha reer soomaalilandna dareensiiyo dadka sida muta dawacnimoda ah oon lacag iyo faa,doon ahayn ugu istaagay oo bilaabay inay umadooda danyarta ah ee baahan caawiyaan iyagoo naftooda iyo maalkoda iyo wakhtigooda qaaliga ah u huraaya isla markaana gudanaaya kaalintooda ay umadoodu uga fadhido oo ay tahay inaan inaguna gudano kuna dayano dadkan.

hadaan ku soo dhawaano cida aan maanta waxa ay bulshada sida mutadawacnimada ah u qabtaan aan sheegno waa JIMCIYATUL RAXMA runtii waa jimciyada isku xil saartay inay dadkooda baahan u istaagaan dadkana ku baraarujiyaan inay iskaashadaan oo caawiyaan dadkooda dan yarta ah runtii waa jimciyadii ugu horaysay ama koowaad ee bilawda sanduuqa quudinta danyarta kala duwan ee ku dhaqan magaalada Hargeysa hadana doonaysa ama hadafkeedu yahay sidii ay u wada gaadhsiin lahaayeen fikir ka saliimka ah ee waxtarka ah dhamaan wadanka oo dhan.
0Ajimciyatul raxma waxaa la aas aasay sanadkii 2004 iyaoo wakhtigaa uu hormood ka ahaa ilahay khayr iyo xasanaad ha ka siiyee sheekh cabdale oo ahaa ninkii fikirkan balaadh shay una istaagay inuu doorkaa qaato isagoon lacag doon ahayn ee dar ilahay ku waday markii danbena ragkale oo fikirkaasi laqaatay ayaa la sii waday  sheekh cabdale waxaa uu soo saaray hal ku dhigyo badan oo tilmaamaaya in la is gargaaro muujinaayana in aqal waliba ama qoyskastaa cantoobo bariis ah iyo mid daqiiq ah iyo kolba wixii kale ee uu heli karo oo raashin ah soo ururiyo oo u keeno jimciyatul raxma si ay ugu qaybiso dadka danyarta ah ee aan iyagu dab shidan.
waxaan xasuustaa isagoo sheekh cabdale gaadhi gacan ama kaaryoone hadba sidaad u taqaano xaafadaha dhex marinaaya oo isagu gacantiisa kuwada  xaafad kasta oo wax haysataana wax ku ridayso markay intaasi ururtana waxay noqonaysaa ama ku filaatayba qoysas badan oo danyar ah.
waxaa ilahay mahadiis ah in jimciyadu hada marayso inay waxbarashada iyo caafimaadkana ka shaqayso si bilaa lacag ah ama dar ilahay ah waxaa kale oo jimciyadu bulshada ku baraarujisaa wada noolaanshaha iyo wax is tarka iyo waliba nabad kuwada noolaanshaha, waxaa kale oo ay taageero mug iyo miisaan leh gaadhsiisaa agoomaha iyagoo ka caawiya dhinacyo badan oo noloshooda taabanahaya.
iyadoo jimciyatul raxma ay ka mid yihiin wax qabadkeeda arimahaasi aan sare ku soo sardinay ayaa waxaan rabaa bal hada si kooban inaan halkan ugu sheego iyagoo qodobaysan hadafka jimciyatul raxma waxaana kamid ah.


  1. Caawinta Qoysaska Faqiirka/Saboolka Ah Iyo Ka Shaqaynta Sidii Looga Dhigi Lahaa Dad Wax Soosaar Oo Firfircooni Ku Leh Bulshadooda Dhexdeeda.

  2. In La Kafaalo Qaato Agoomaha Iyada Oo Lala Kaashanayo Shakhsiyaad Iyo Hay’adaha Ku Shaqada Leh Korna Loo Qaado Xanaanayntooda.

  3. In La Bixiyo Adeegyo Caafimaad Oo Kala Duwan Taas Oo Ay Ku Jirto Aasaasida Goobo Caafimaad Iyo Cisbitaalo.

  4. In La Bixiyo Xirfado Waxbarasho Oo Mudo Gaaban Ah Qofkuna Uu Ku Shaqaysan Karo.

  5. Baxnaaninta Dadka Naafada Ah Hady Tahay Hab Bulsho, Mid Jidheed, Maskaxeed Iyo Mid Nafsi Intaba Si Looga Dhigo Dad Firfircoon Bulshada Dhexdeeda.

  6. In Qof Waliba Helo Biyo Nadiif Ah Iyada Oo La Qodayo Ceelal Lana Samaynayo, Balayo Iyo Barkado.

  7. In La Dhiso Masaajido Iyo Goobo Lagu Barto Culuumta Islaamka. 



     

waxaa kale oo ay jimciyadu leedahay ujeedooyin kala duwan oo ah sidan hoose.

 Ujeedooyinka Jimciyatul Al Rahma Waa In Laga Takhaluso Saboolnimada Lana      Horumariyo Waxbarashada Iyo Baahiyaha Aasaasiga ah Ee Bulshada Somalilan d Gaar ahaan Dadka Saboolka Ah Iyo Agoomaha.
hadaba marka ay sidaa tahay miyaanay ahayn inaan hiil iyo hooba la garab istaagno jimciyada iyo walaaleheena iyagu gartay inay danyartooda baahan ee ku sugan wadankeena ay caawiyaan oo umada u dhexmaraan iyagoo wax lacag ah ama faa,iido ah ka doonahayn waxay ila tahay inay jawaabtu haa tahay oo aanay u baahnay faalo kale.
guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay JIMCIYATUL RAXMA WAY GUTEEN WAAJIBKOODII WAANA IN LAGU TAAGEERAA WANAAGA IYO WAX ISTARKA UMADA.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABUCIZA)
EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com