Tuesday, November 18, 2014

Xasan Sheikh: haday dumayso iyo haday degeysaba Nabad-gelyo "warbixin

Xasan Sheikh oo dalka ka dhoofay iyadoo uu Khilaafkii u dhexeeyay RW saameeyay Xukuumadda, dar-daraankiisa Jowhari iyo dareenka caalamiga ah ee uu waajayo... Daawo Sawirro..


xasan sheikh jMogadishu, 17 November 2014 (GNA)-: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo hoggaaminaya hal wafdi oo Soomaaliya ka socda ayaa maanta u ambabaxay Copenhagen si uu uga qeybgalo shirka Heerka Sare ah eoo looga hadlayo horumarka laga sameeyey New Deal. xasan sheikh2
Shirkan Heerka Sare ah ayaa waxaa gogosha dhigtay Dowladda Denmark, iyadoo shirkana aya wada shir-guddoominayaan Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, ayna ka soo qeybgalayaan in ka badan 140 oo ka kala socda 59 dowladood.

Ujeedada shirka ka dhacaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa ah in dib-u-eegis lagu sameeyo wixii qabsoomay muddada halka sano ah ee lagu shaqeynayay barmaamujka New Deal-ka ee looga dhawaaqay Brussels bishii September 2013. New Deal-ka ama Somali Compact, kaasoo ahaa qorshe si wadajir ah ay Soomaaliya iyo beesha caalamka ay si siman oo furfuran oo isla xisaabtan leh uga wada shaqeynayaan.

Heshiiskan New Deal ayaa ahaa mid ay Soomaali hoggaamineysey isla markaasna dhammaan howlaha la qabanayey ay ahaayeen kuwo ay Soomaalidu soo diyaariyeen isla markaasna la tashiyo lala sameeyey gobollada iyo maamulada dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo intaanu dhoofin ka hadlay isbedelka laga gaadhay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha kale ee higsiga himilada 2016 ku jira ayaa sheegay in horumar badan la sameeyay.

‘Soomaaliya ayaa horumar ballaaran oo la taaban karo ka sameysey dhinacyo badan, oo aasaaska loo dhigay nidaamka federaalka, sharuuc badan la diyaariyey, iyo maamul wanaag lagu tallaabsaday. Sidoo kale horumarka la sameeyey waxaa ka mid ah dhanka dib u heshiisiinta, is-gaarista iyo xiriirka dowladaha deriska iyo caalamka, iyadoo hay’adaha dowligana ay noqdeen kuwo si wanaagsan u shaqeeya,” ayuu yiri Madaxweynaha isagoo ku sii jeeda Copenhagen.

“Sidoo kale waxaa guulo waaweyn laga sameeyey dhanka amniga iyo xasilinta oo inta badan gobollada dalka ay gacanta dowladda ku jiraan ka dib markii ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen deegaanno fara badan oo ay gacanta ku hayeen. Dowladda iyadoo kaashaneysa beesha caalamka ayaa waxaa dib loo dhisay jidad fara badan, isla markaasna lagu xiray nalalka qoraxda ku shaqeeya, waxaa la dayactiray oo la howlgeliyey xarumo caafimaad, waxaa dib loo howlgeliyey iskuuladii dowladda oo ardeyda ay lacag la’aan ku dhigtaan, waxaa dib loo dayactiray garoomaha diyaaradaha iyo dekedaha dalka, waxaa shaqo loo abuuray dhalinyaro faro badan. Arrimaha kale ee horumarka ballaaran laga sameeyey ayaa ahaa dhanka maamulka iyo maareynta maaliyadda oo maanta si cad u muuqata howlaha balllaaran ee lagu hagaajiyey maamulka iyo maareynta maaliyadda.” Ayuu sii yidhi Xasan Sheikh .

Waxaanu intaa ku daray ‘Hase yeeshee intaas kuma ekaan karno ee waa inaan sii wadnaa dadaalka la sameeyey labadii sano ee ugu danbeysey.” Ayuu yiri Madaxweynaha
“Waa inaan labada sano ee soo socota aan si deg deg ah waxqabadka u sii wadnaa oo aan mudnaanta koowaad siinaa dejinta sharuucda muhiimka ah, sameynaa guddiyada muhhimka ah iyadoo aan wadeyno wadatashiyada bulshada sidii aan u dhameystiri laheyn barnaamijka Hiigsiga 2016.” Ayuu ku soo gabogabeeyey Madaxweynaha.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli qalalaase siyaasaddeed inuu ka dhasho looga cabsi qabo khilaafka mudddada u dhexeeyay isaga iyo reysal-wasaaraha oo saameeyay Hay’addaha xukuumiga ah, kala-qaybsanaan baaxadlehna ka dhex curiyay golaha Shacabka.

Xukuumadda uu hogaaminayo Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh, ayaa waxa soo baxaya inuu khilaafku lafteeda kala qaybiyay, kaddib markii ay wasiirro ka tirsan reysal-wasaaraha ugu baaqeen inuu iscasilo, taasoo uu dastuur jebin ku tilmaamay reysal-wasaaruhu.

Sidoo kale golaha shacabka ayaa ku guul-daraystay inay sii wadaan fadhiyadooda caadiga ah, kaddib markii ay dhowr fadhi oo ay yeesheen ku heshiin waayeen mooshinka laga soo gudbiyay xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa hor-fadhiisanaya ugu yaraan boqol iyo dheeraad ergay oo ka socda dunida caawisa soomaaliya, iyadoo uu qaskani hadheeyay nidaamka dawliga ah ee uu hogaaminayo.

Waxaanay taasi sawiraysaa inuu la kulmi doono dareemo fara badan oo lagaga walaacsanyahay xaalada waddanka dib u soo kabashada kaga jira colaadihii la degay.xsn sheeikh bay

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonwws.com