Tuesday, November 18, 2014

Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Idaacad tuugo ah oo muddo hawda ku jirtay

Madaxtooyada iyo Masuuliyiinta Warfaafinta oo dhowr bilood kaddib naxdin goyn ku qaabilaya doona warka soo baxaya...

FMHargeysa(GNA)-Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland , ciidanka Booliiska Caasimada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay caawa Idaacad FM ah oo muddo si dhuumaalaysi ah uga shaqaynaysay gudaha magaalada iyo hareereheeda.

Idaacadan oo muddo laba bilood ka badan hawada si toos ah u soo geli jirtay saagaalka iyo badhka caweysnimo ee saacada Geeska Afrika, ayaa Laf-dhuun mari wayday ku ahayd Aqalka Madaxtooyada iyo Hay’addaha Mukhaabaraadka iyo Warfaafinta ee dawladda.

Ma jiro war rasmi ah oo dawladdu ka soo saartay Idaacada la qabtay, hase ahaatee ilo-wareedyada aanu helnay ayaa tilmaamaya in la qabtay wixii ka dambeeyay sideedii caweysnimo ee caawa.

Dad ka mid ah dhegeystayaasha Idaacadan oo Gobanimonews la xidhiidhay ayaa sheegay in iyagoo dhegeysanaya warka idaacada uu tashuush iyo buuq ku furmay Radio-yaha “sidii aan warka u dhegeysanayay ayaan mar qudha maqlay buuq iyo qaylo meeshii ka yeedhaysa, dabadeed markaasaan dareemay in wax dhaceen”.sidaasi waxa GNA u sheegay mid ka mid ah bulshada reer hargeysa ee idaacadan ku xidhnaa.

Geesta kale, dhegeysteyaal badan oo kale ayaa dhacdadan noo xaqiijiyey, waxaana durba aad looga hadal hayaa magaalada qabashada Radio-yahan oo si goos-goos ah bishiiba dhowr jeer hawada u soo geli jiray.

Qabashada Idaacadan ayaa xumad jebin iyo naxdin goys u noqonaya jahawareerkii Xukuumadda ka haysta baadi-goobka Radiyahan, taasoo madaxtooyadu sida laga wariyey lacag adag dul dhigtay soo qabashadiisa.

Si gaar ah waxa caawa ugu ledaya talaabada qariibka ah ee qabashada FMtan madaxda Wasaarada Warfaafinta oo ay falaadh ku mudan ahayd mar kasta oo dhawaaqeedu dhegaha bulshada soo gaadho.

Somaliland ayaa Furashada Idaacadaha la madnuucay xilligii dagaalada sokeeye iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay sii qoyanaayen, sababo dhanka amniga ah iyo tayada saxaafadda madaxbanaan oo curdin ahaa.

Hase ahaatee waxa sharciga lagu madnuucay qalabka warbaahinta ee Idaacadaha jebiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xilligii ay xisbi mucaaridka ahayd keensaday Idaacad FM ah oo sharci daro ah, taasoo si qaawan looga dhaleeceyn jiray Dawladdii UDUB ee uu madaxda ka ahaa Daahir Rayaale.

Radio Horyaal oo ahaa Warbaahin khaas xisbiga Kulmiye u lahaa, ayay xukuumadda rayaale faraha ka qaaday markii uu hogaanka Kulmiye jeebkiisa ku qariyey, lagana fur-furi kari waayay.

Waxaana Idaacadan la qabtay hada lagu tilmaamayaa ka turjumaysa ama iftiiminaysa nabsigii uu nidaamka talada hayaa dalka ka galay oo dib ugu soo baxay wakhti xaasaasi ah.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com