Xulka qaranka England ayaa sawir wadareed qurux badan oo suudh-ka iyo Taygu u giijisan yihiin ku gallay diyaaradii geysay Miami wadanka Maraykanka hoosteeda, kaas oo noqonaya kii ugu dambeeyey ee xulka oo isku dhan laga qaado ka hor koobka aduunka ee Brazil ka bilaabanaya 11 ayaamood kadib.
,ayaa safarkoodan ujeedadiisu tahay isu diyaarinta koobka aduunka iyo ku dhawaanshaha wadanka Koonfurta Maraykanka ku yaala ee Marti gallinaya ciyaaraha caalamka sanadkan.
England xulEngland ayaa kula ciyaari doonta garoonka Sun Life Stadium ee magaalada Miami, kulamo saaxiibtinimo labada xul ee Ecuador iyo Honduras, ka hor inta aanay sida tooska ah ugu duulin Rio de Janero.
Kooxda uu hor kacayo tababare Roy Hodgson ayaa soo ciyaartay kulankii koowaad ee saddex kulan oo ay is diyaarinta iyo tijaabada ka hor koobka aduunka qorshaha ku darsatay , waxaanay ciyaartaas oo ka dhacday gegida Wembley , 3-0 ku dubatay Qaranka Peru ee Koonfurta Maraykanka ka Tirsan.
Oxlade Chamberlain oo u Suul fidinaya taageerayaasha ka hor intaanu suudhka ku lebisan
Oxlade Chamberlain oo u Suul fidinaya taageerayaasha ka hor intaanu suudhka ku lebisan
Wilshare (midig) iyo Adam Lallana (bidix ) oo Telefoonka gacanta sawir isaga qaadaya
Wilshare (midig) iyo Adam Lallana (bidix ) oo Telefoonka gacanta sawir isaga qaadaya
Qayb kamid ah ciyaaryahanada xulka England Sawir guud oo xulka England ah