Xisbiyadda Mucaaradku Ma Waxay Noqdeen Qaar Uu Siilaanyo Ku Shaqaysto? Marka Albaabada Caalamku Ka Soo Xidhmaan?
Dhawaan ayay ahayd markii Siilaanyo iskugu yeedhay xisbiyadda mucaaradka qasriga madaxtooyadda,iyadoo uu kala hadlayey inay beesha caalamka u muujiyaan in ay barbar taagan yihiin siilaanyo tiina siilaanyo wuu ku guulaystay oo iyagoo aan ka fiirsan waxa beesha caalamku ku haysato siilaanyo ayay qasriga madaxtooyadda u yaaceen.
Waxa kale oo la sheegayaa in siilaanyo ka dalbaday xisbiyadda mucaaradka inay raacaan wafti la sheegay in uu siilaanyo u dirayo dalalka itoobiya iyo Kenya,iyadoo la sheegay in uu siilaanyo doonayo fikirka uu aaminsan yahay ee uu dalka ku maamulo inay xisbiyada mucaaradku ka dhaadhiciyaan dalalkan si loo rumaysto beesha in aysan jirin wax kala aragti duwan oo uu aduunku la shaqeeyo,siyaasadda khiyaamadda ah ayaa waxa isticmaala siilaanyo marka ay amuuruhu ku soo xidhmaan ee beesha caalmka iyo shacabka Somaliland ka sii jeestaan ayuu fursad ka dhigtaa in uu mucaaradka u yeedho, ku darso marka uu dantiisa ka dhamasyto uma baahna mucaaradka oo waatii xiligii wada hadalada uu siilaanyo la furay somaliya wuxuu ka maarmi waayey mucaaradka oo markii ay arintii la dhameeyee kulamadii danbe wuu ka reebay oo wax baahi ah ayuu u qabi waayey.
Hadaba waxay u muuqataa in beesha caalamku ka soo taagan tahay nidaamka siilaanyo wax u wado oo ay beeshii caalamku raadinayso xisbiyo mucaarad ah oo ay la shaqeyn karaan,halka siilaanyo-na ka doonayo in uu wajiga xisbiyada u isticmaalo faquuqa uu kala kulmay beesha caalamka ee doonaysa inay arkaan madaxweyne maskax ahaan fayow oo ay la macaamilaan.
Ugu danbeytii waa in aysan xisbiyadda mucaaradku aysan noqon qaar uu ku shaqeysto siilaanyo marka taaldu ku soo oodanto ee waa inay xisbiyadda mucaaradku la yimaadaan siyaasad cad oo ay dalka iyo dadkaba ku badbaadinayaan isla markaana beesha caalamka waa inay si dhaw ula shaqeeyaan oo ay fahmaan waxa ay beesha caalamku doonayso.
Qalinkii: C/raxmaan Maxamed Cali
Email:cmcsaxda@gmail.com
Hargeysa/Somaliland