Bilayska ayaa isku dayay inay Baajiyaan Xaflad kale oo lagu Taageeri lahaa Musharaxnimada Muuse Biixi ee Xisbiga kala jabay ee Kulmiye.
Boqolaal Dhalinyaro ah, Odayaal dhaqameedyo iyo Siyaasiyiin, ayaa ka soo qayb galay Munaasibadda oo ahayd mid qasab lagu qabtay, kaddib markii ciidanka ammaanku isku dayeen inay baajiyaan, amar dhinaca Madaxtooyada laga soo faray.
Xaflada ayaa intii aanay qabsoomin waxa dhacay cago juglayn iyo guluf bilaysku kala hortegay dadkii ka soo qayb-galay, hase ahaatee dadweynihii xamaasadaysnaa, ayaa intay ka soo dareereen Hudheelka Munaasibada lagu qabanayay isugu soo baxay barxad banaan oo ku taala afaafka Hudheelka , iyagoo ku tashaday inay xoog ku jidhaan ciidanka.
hase ahaatee intii aanay talaabadaas dadweynuhu qaadin, ayaa ay askartii meesha joogtay ka dareereen goobta,shacbigii xaflada u soo diyaar garoobayna Hoolkii loogu talo-galay ku xaroodeen.
Hadaba halkan hoose ka Daawo Muuqaal dhamaystiran oo aanu idiinka diyaarinay sidii wax u dhaceen iyo khudbadihii xaflada laga jeediyay.