Tuesday, June 17, 2014

USA Oo Goolkii Ugu Degdega Badnaa Taariikhda K-Aduunka Kaga Adkaatay Ghana.

Weeraryahanka Clint Dempsey ayaa dhaliyey goolkii ugu degdega badnaa ee la dhaliyo taariikhda koobka aduunka , kaas oo ahaa goolkii xallay uu ka dhaliyey xulka xidigaha Madmadow ee Ghana , ciyaartu markii ay socotay 29 ilbidhiqsi oo kali ah.

Xulka qaranka Maraykanka ayaa 2-1 ugu awood sheegtay Ghana xallay , ciyaartii labaad ee Group G, kaas oo fiidnimadii hore ee xallay xulka Garmalku 4-0 ku muquuniyey Portuqal.

Andre Ayew ayaa Ghana ku soo celiyey tartanka oo ugu shubay goolkii barbar dhaca laakiin USA may noqon kuwo intaas ku istaaga , 4 daqiiqo oo kali ah markii laga joogey goolkaas ayuu laacibka bedelka ku soo gallay ee John Brooks uu shabaqa ku lulay kubad madax ahayd daqiiqadii 86 aad ee ciyaarta , kaas oo guusha u xaqiijiyey xulka tababare Klinsmann.