Thiago Silva kabtanka naadiga Faransiiska ah ee Paris Saint Garmain, ayaa tilmaamay inaan Messi lagu hor istaagi karin wax ka yar qori caaradii , kadib markii uu ku fashilmay inuu celiyo dhawr ciyaarood oo ay iska horyimaadeen xidigan reer Argentina.
Wakhtigii uu difaaca u hayay Ac Milan iyo kooxda uu haatan la joogo ee PSG ayay Silva ku adkaatay inuu joojiyo weerarada isdaba jooga ah ee uu soo qaado laacibkan 4 ta jeer noqday xidiga aduunka ugu fiican, gacantana laga saaray abaalmarinta Ballon D’ Or.
Mar saxaafadu wax ka weydiisayna , wuxuu qiray inay adag tahay in loo maaro hello Leonel Messi weeraradiisa, waxaanu Thiago Silva isagoo arintaas ka jawaabaya ku yidhi majalada BLOCK sidan :- ” Sideen u hor istaagi doonaa Messi.? waxa kaliya ee lagu joojin karaa waa qoriga caaradiisa.
”In kastoo uu dhaawacmay mudona u jiifay xili ciyaareedkii u dambeeyey , hadana wali waa cabsi jirta oo koobka aduunkana taala.’