Monday, June 2, 2014

Siilaanyo Wuxuu La Mid Yahay Goodkii Abaal Laawaha Ahaa


Siilaanyo Wuxuu La Mid Yahay Goodkii Abaal Laawaha Ahaa,ee Uu Sheegay Adan Tarabi,Waxaana Haboon in uu Is Casilo Waayo Ninka Xisbigisii U Talin Kari Waayey Dalka Ma Xukumi Karo,Hana La Qabto Doorashooyin Waqtigoodii Ka Soo Hor Mara Si Dalka Loo Badbaadiyo.




 


Maah Maah Soomlaaiyeedba jirta oo tidhaahda Soomaalidu ninka ay adhiga kala quusato ayay Geella u dirtaa.arintan waxaan uga jeedaa manta waynu og nahay halka uu marayo xisbigii KULMIYE Siilaanyo-na marka uu u talin kari waayey xisbigii uu ka soo jeedey arintaasi waxay marag u tahay,in uusan dalkana xukumi Karin.





Wax qarsoon may ahayn mudadii 4 sanno ahayd ee uu siilaanyo ku magacawnaa  kursiga madaxweynenimo in uusan qaban wax shir jaraa’id ah oo uu saxaafadda kula hadlayo ,iyadoo uu dalku soo maray marxalado kala duwan,tan manta aynu ku jirnaana ay tahay tii ugu darneyd marka la eego xiliyadii laga soo gudbay.




Waxa burbur ku dhaw xisbigii ay xukuumadani ka soo jeeday ee KULMIYE sidoo kalena waxa uu mugdi badani ku jiraa,musharaxnimada siilaanyo doonayo,sidaasi daradeed waxa muuqata,in siilaanyo manta uu taagan yahay xiligii ay dhuumashada ay ku jireen HOGAAMIYII AL=QAACIDA USAAMA BIN LAADIN IYO MADAXWEYNII CIRAAQ EE SADAAM XUSEEN,inta badan waxay soo duubi jireen cajalado marka ay doonayaan inay fariin u gudbiyaan dadweynaha aduunyada.




 siilaanyo-na manta markii ay lama huraan ay noqotay in uu hadlo oo uu ka hadlo oo uu ka hadlo khilaafka KULMIYE iyo musharaxnimadiisa ,waxa warbaahinta loo qaybiyey cajalad loo soo duubay noocii looga soo duubi jiray,usaama bilaadin iyo sadaam xuseen oo kale.




sidaasi daraadeed marka laga hadlaayo aayaha danbe ee dadkan iyo dalkanba waxay ku haboon tahay in uu siillaanyo is casilo,lana qabto doorashooyin waqtigoodii ka soo hore mara.




Waxa kale oo muuqata in siilaanyo uu la mid yahay goodkii abaal laawaha ahaa ee uu hore u sheegay Abwaan Adan Tarabi,Muuse Biixina iyo beesha uu ka soo jeedaana ay la mid yihiin ,odaygii Guuleed oo kale,qisadii dhex martay Good iyo Guuleedna waxa inoo fasiraysa maansadan soo socota ee uu magaceedu yahay Good iyo Guuleed ee uu tiriyey Abwaan Adan Tarabi.




Waxayna ku bilaabatay sidan:




Googa hadrawaw ,




 gaariyow cigale




, gani weeye xajadu ,




good  baa nin cunay  bari ,




guursaday habeenka ,




gabadhii arooskii gogoshii ku kaliyey ,




geeri lama filaana ,




guriyihii ku timiyoo ,




gacalkiina subaxdii ,




raadkiisi buu guray,




isgoon god helin wali ,




 meeshuna gawaan tahay ,




aan geed la cuskadaa jirin ,




buu gadaal jaleecada arkay guuto raacda ah ,




guul dareeste ,




meelu ku gabado ma heystee ,




gocashuu  maciinsaday ,




in yar  goortii loo jiray,




 ayaa goodkii nin u yimi guuleed la oran jiray




 iska gooni socota ah ,




waxa uu yidhii gantaala la ila gaada yaayoo




 gormad baa igu soo dhaw




 godmaa la ii sitaa badan




 in la I gawracaaba talo la igu godoonsaday




 go,i waa imagan gali




hadii  ad nin goba tahay ,




garan mayo buu yiri




 jilbiskaa galasha leh




iyo gooh dhagaystaha




 sidan good ku aamino




goormay  dad iyo halaq gacan saarka yeesheen ,




colaad gun dheero guuna baa dhex taalaye




bini admi goormay gacal noqdeen abeesada




iminkana war goodow aan kuu gabagabeeye




inaan goob xun lagu dhigin




ha I gunaanad seejine




 ana galabta ha  I dilin buu yiri




Waxa uu yiri in gawsaha waabayda gaaxsadiyo




miciyuhu ku gaarana




ha ka yaabin guuleed




ma ana ihi gabrartaha




gunta habar dugaage




 xor gurguuratan ahay,




guuled ismuu odhan




goodkani naftaaduu




inuu gooyo jecel yahay




 guuxna waxa uu ku sii yidhi




 allahayow guracanaa




 isu soo galkeenani




waxa uu yidhi bal goodoow




hadan kuu gargar falo




goormad iga hadhaysaa ,




waxa uu yidhi goshaa dhaw




kula gaari mayee




guutaada I daba mari ,




waayahaye goodow




ma guntigan  ku galiyaa




mise garanka hoosiyo




 gaadada dhexdooda ah ,




anaa garanayuu yidhi




igu qari go aagoo




luquntada sida geed




aan is garan garshee keen ,




 kuma diidin guuleed




 gab ku soo dheh buu yidhi ,




goodkiii ninkii qari




 gaadihiina daba mari




 guutadii ka nabad gali




 markuu geeyey meel aan werar lagala gadhayn




 ee uu gadiidkiii siday maalin galiinkeed




 goodow soo dag buu yidhi ,




waayahaye guuled




 allahayow gob sanidaa buu  yidhi




 waligaa naf gool moon




 kumaad dhaafin gaajee




 gartay deeqsi  baa tahay




goobaha dagaalkana




 nin ku geesi yaa tahay




goortay u daran tahay




 nin la magan galaa tahay




 garaad beela daaja ah




guun aqoon leh baa tahay




geestii la eegaba




garbo la dugsadaa tahay




hadaan gabadh ku siin lahaa




 isma geeyo dad iyo bahal




hoose guuleed idig gorod madow iyo




 geeslayda xoolaha




waligay ma dhaqan geel




xagayaga gamankiyo




geenyo lagama qoofalo




gabigeed wax lacaga




ma hayaan guryahayagu




mar hadanan garanayn




guushii balaadhneyd




  waxan kaga abaal gudo




 anay I la gudboon tahay




 sidaan adiga kuu galo ,




 waayahaye goodow




goor danbaynu joognaa




 gabood daydayuu  yidhi ,




waxa uu yidhi nin godob qaba




gayigaba dhamantii




laga goobayaan ahay




waxse galabta sheeka leh




nacasnimada guuled




gadhku kaga  soo baxay ,




 guuled markaasuu




ka daremay goodkii




 inaan laga gayooneyn




 waxa uu yidhi mar goodoow




gondaha kalay I hoorsoo




 garbahayga soo dhaaf ,




 guuleed war laawaw




gaagabso buu yidhi 




good cuna ku maranoo




 god dhul waayey  baan ahay




 guudkaga kama dago




ha gilgilanin buu yidhi




 gacmaha laabo buu yidhi




go’a ha huwan buu yidhi




 markaan galo jidhkagee




dhiigaga gorarsado




guul  ilahay dheh buu yidhi




 garaac sacabka buu yidhi




goortay u daran tahay




gaadh  iga qabo buu yidhi




inaan gam’o  ha moodine




waan kuu il galac layn




 waana kuu gol leeyahay ,




 guuleed naftiisuu




goor baas canaantoo




gabi igu dun buu yidhi




gabal baasna ha ii dhaco




dhib wixii  I gaadhna




aniga isu geystee




goblan bahasha hoosay




 ileyn good abaal ma leh ……………………………………. END 




 




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




 




Tel: 4425243




 




Email: suudi88@gmail.com




 




Hargeysa/Somaliland