Garoowe(GNA)-Waxa abaaro 11:30 Maalinimo ee maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal lagu soo dhaweeyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimo aw-diinka Soomaaliyeed.
Waxa soo dhaweeyey Wasiirro, culimo awdiin iyo dadweyne kale, kuwaasoo kaga horyimi meel dibada ka ah Magaalada.
Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa socdaal dhulka ah ku gala bixiyay Deegaamo Kilalka Shanaad ee Itoobiya, Somaliland iyo hada oo uu u gudbay dhinaca Puntland.
Intii uu joogay Somaliland waxa uu isku maray Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Laascaanood oo uu ka qabtay kulan diimeedyo dad badani ka soo qayb-galeen.
Markii la soo dhaweeyay kaddib waxa uu u mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@Gobanimonews.com