Friday, June 6, 2014

Roob Mahiigaan ah oo 9 qof iyo Xoolo badan ku laayay Kismaayo


Kumanaan qoys oo ay baro kixiyeen daad iyo gurmad la’aan halis ku sii kordhaysa…




OLYMPUS DIGITAL CAMERAKismaayo(GNA)-ugu yaraan sagaal  ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Roobab  xoogan oo ka da’ay Gobolka Jubbada hoose oo saameyn dhanka isu socodka ah sababay, kaddib markii ay daad xoogan oo ka dhashay roobka ay kala xidheen Magaalada Kismaayo iyo deegamada kale ee Gobolka.




Tiro koob rasmi ah lagama hayo baaxada khasaaraha guud ee  ee ka dhashay roobkaegay Gobolka oo roobabka ka dhashay, hase ahaatee Guddoomiyaha Gobolka Jubbada hoose Cabdirashiid Cali Gooni  ayaa sheegay inay roobabku waxyeelo baaladhan sababeen.




“roobabka waxa ku dhintay 9 ruux, lix caruur ah iyo saddex qof oo waaweyn. Roobabkii  da’ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa ku dhintay saddex qof iyo xoolo badan, waxaana ku baaba’ay mood badan oo Guryo iyo hanti kale isugu jirta , guud ahaana Gobolku wuu kala xidhanyahay, gaar ahaan Magaalada Kismaayo”ayuu yidhi Guddoomiye gooni.




Daadka ka dhashay roobka ayaa baro kiciyay kumanaan qoys oo gudaha magaalada degenaa iyo kuwo Kaamamka dibada ah ku nool, kaddib markii ay guryaha biyo ugu galeen, kuwo kale ayaa ka cabsi qaba in daad ku soo rogmadaan.




“cid taakulo nooga timi ma jirto, 80 Kaam ayay ka koobantahay Magaalada Kismaayo, dhamaan way kala xidhanyihiin, waxa kale oo jira caafimaad daro ka dhalan karta gudaha Magaalada meelaha ay biyuhu fadhiisteen iyo suuliyadii oo dumay”ayuu yiri.




Guddoomiye Gooni dhanka kale walaac ka muujiyay  halis caafimaad daro oo ka dhalata Biyo fara badan oo fadhiistay badhtamaha Magaalada meelo kala duwan, kuwaasoo laga cabsi qabo inay ka dhashaan xanuunada wasakhda iyo qoyaanka ka dilaacaa.




Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay gurmad u fidiyeen dadka yar laba kun oo qof oo ay tamar ahaan awooddeen inay u gurmadaan, waxaanu ka digay khatar sii kordhaysa.




“hadii roobabku soo kordhaan waxaan ka cabsanaynaa inay dhibaatadu sii baahdo.




Cabsida kale ee jirta ayaa waxay tahay in wabigu uu ku fataho Magaalooyinka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com