Bilayska Kenya oo amar ku bixiyay inaan la soo dhaweyn karin Raila Odinga…
Nairobi(GNA)-Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka kenya raila odinga ayaa maanta si wayn waxa loogu soo dhaweeyey airportka jomo Kenyatta.
Ondinga ayaa waxa soo dhaweyey kumanaan ah tageerayasha xisbigiisa.
Raila odinga ayaa labo bilood safar ugu maqnaa dalka maraykanka.
kumankan qof ee soo dhawaynayey raila odinga ayaa gadodsana isla marka isugu uruuray beerta xoriyada ee uhuru park halkas oo u raila odinga kala Hadley, isagoona uga mahad celiyey sida wayn ee ay usoo dhaweeyeen.
Ondinga ayaa Taageerayaashiisa ugu baaqay inay bari iskugu soo baxaan fagaarah beerta xoriyada ee Magaalada Nairobi.
Maalintii shalay ayay ahay markii taliyaha ciidamada booliska kenya David kimanyu uu amar ku bixiyay inaan lasoo dhawayn karin raila odinga.
Ciidamo fara badan ayaa lasoo dhoobey beerta xoriyada oo ay isugu soo baxeen kumaan qof oo tageersan raila odinga, kuwaasoo isku dayey inay kala dareriyan tagerayasha lakiin umay surta galin.
Cabdiraxmaan buurdhaab
Gobanimonews
kitale Kenya Office
email: curad1986@hotmail.com