Nairobi(GNA)-Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan qaramada Midoobay ayaa ku taliyey in heshiisyada Sahaminta Shidaalka ee Somaliland iyo Puntland lagu qeexo nidaamka Dawladda federaalka ah ee Soomaliya.
Kay oo ka jawaabayey Su’aallo laga waydiiyey barta Twitter-ka ayaa soo dhaweeyey guddida dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo soo saari doona nuqulka kama dambeysta ah ee Dastuurka.
Kay oo Su’aasha loo waydiiyey Dowladda Federalka ah iyo maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland waxay dhammaantood shirkado shidaalka baara la saxiixdeen heshiisyo kala duwan, xafiiskiinu muxuu arrinkaas ka leeyahay?.
Waxa uu ku jawaabay “Lahaanshaha kheyraadka dabiiciga ah iyo canshuuraadka waxay u baahan yihiin in lagu qeyxo dastuurka Federalka ee kama dambeysta ah, waxaana soo dhaweynayaa guddiga dib u eegista dastuurka ee dhawaan la magacaabay, waa tillaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday doorashada 2016”.
Qaramada midoobay ayaa dhawaan walaac ka muujisay ciidamo gaar ah oo Somaliland u tababarayso ilaalinta Ammaanka Shirkadaha Sahaminta Shidaalka, waxaanay Guddida qaramada Midoobay ee la socodka cuno-qabateynta hubku ku taliyeen in sifo sharci lagu ogolaado ciidankaasi oo ay sheegeen inay xiisad ka dhex dhalin karaan Maamulka Puntland iyo Soomaaliland.
Somaliland ayaan arrintan wax jawaab ah ka bixin.