Weerar ismiidaamin ah ayaa xalay lagu qaaday goob lagu daawanayay ciyaar
ka tirsan Koobka Aduunka waqooyi bari dalka Nigeria
Qof watay mooto saddex lugooley ah ayaa isku qarxiyay goob la dhigay
Telefishin oo ay dad badan ku daawanayeen ciyaartii dhex martay Xulalka
Brazil iyo Mexico.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen weerarkan oo ka
dhacay deegaanka Damaturu ee Gobolka Yobo.
Ciidamo fara badan ayaa lagu soo daadiyay goobta ay wax ka dhaceen,
iyadoo horay ay u jireen digniino laga bixinayay in goobaha dadka isku
yimaadaan ee lagu daawanayo ciyaaraha la joojiyo, cabsi laga qabo weeraro.
Dhaawacyo fara badan ayaa lagu guray gawaarida xamuulka, kuwaasoo loola
cararay isbitaalada, inkastoo aan si rasmi ah loo heyn tirada dhaawacyada.
Kooxda Boko Haram ayaa horay weeraro ugu qaaday meelaha dadka ay ku
caweeyaan, waxaana weerarkan uu noqonaya kii u horeeyay ee lagu qaaday
goob lagu daawanayay ciyaaraha Koobka aduunka ee Brazil ka socda.