Maamul xumadda iyo qaybinta siyaasaddeed ee xukuumadda Siilaanyo oo shacbiga dib u xusuusisay Midnimadii Dawladnimo ee Cahdigii Rayaale..GNA
Hargeysa(GNA)-Mucaaridka Somaliland ayaa u muuqda kuwo dib u qoomamaynaya godobtii siyaasaddeed ee ay ka galeen Madaxweynihii hore ee xukunka kaga degay sida Dimuquraadiga afar sanno ka hor, Daahir Rayaale Kaahin.
Tani waxay imanaysaa, xili duruuf siyaasaddeed oo xaasaasi ah dalka ka aloosantahay, taasoo saamaysay bulshada iyo dhinacyada Siyaasadda oo dhan.
Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ayaa haatan ku sugan dalka Isutaga imaaraadka Carabta, waxaanu degenyahay dalka Faransiiska oo uu Qoyskiisa u raray, tan iyo markii uu xukunka ka degay bishii Jully ee sanadkii 2010-ka, xiligaasoo lagaga guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 26 June.
Hogaanka Sare ee xisbiga UCID oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe,ayaa kula kulmay Daahir Rayaale Magaalada Abu dabai, halkaasoo uu hada ku suganyahay.
Daahir oo tan iyo markii xilka ka degay, xisbigiisii UDUB-na bur-buray faraha kala baxay siyaasadda Somaliland ee gudaha, ayaa sawirro laga qaaday kulanka dhex maray hogaanka UCID, waxay muujinayaan Mucaaridka oo dib u qoomamaynaya godobihii ay ka galeen hogaamiyahan waddanka nabadda iyo midnimada ku hogaaminayey siddeeda sanadood, iyagoo ka walaacsan mushkiladaha laga dhaxlay hogaaminta Madaxweynihii bedelay oo afar sanadood talada haya.
Xubnaha Xisbiga UCID ee la kulmay Daahir Rayaale waxa ka mid ah Musharax Madaxweynaha ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen oo ay isaga iyo Daahir Rayaale Axankii ugu dambeeyey ee Xisbigii uu Aasaasay Rug-caddaadigii Geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhawr iyo toban sano ka hor.
Bur-burka UDUB ayaa waxa laga saarayaa labadan siyaasi iyo kuwo kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Siilaanyo oo ay Jamaal Cali Xuseen isku qabsadeen Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas, si la mid ah xaalada maanta xisbiga kulmiye kala qaybisay.
Laakiinse waxaasoo dhan marka laga yimaaddo sawirrada ka muuqda kulamada dhex maray xisbiga UCID hogaankiisa iyo Rayaale, waxay iftiiminayaan in Faysal Cali Waraabe iyo Jamaalba yiqiinsadeen Maamul wanaaga Madaxweynahan xukuumadiisii lagu eeddeyn jiray Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada.
Taasoo marka la bar bar dhigo ka Maamul wanaagsanayd, kana siyaasad hufnayd, nidaamka Maanta dalka ka taliya ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Siilaanyo oo lagu dhaliilayo kala qaybin iyo Maamul xumo isbarkan, taasoo ku sii siqaysa inay dalka khatar geliso.
Bulshada lafteeda ayaa saddexdii sanaddood ee ugu dambeeyay si joogto ah u luminaysay Kalsoonidii ay ku doorteen Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaaminta xukuumadda Kulmiye, taasoo si kedis ah Bulshada u ilowsiisay Kacdoonkii loogu coddeeyay iyo Jibadii Guusha, kaddib markii ay ku talaabsatay waxyaabo aan laga filayn oo ay qabyaalada iyo Musuqmaasuqu ka mid yihiin.
Waxaana xaqiiqo ah inay tani tahay waaqic jira oo gudaha dalka ka taagan marka hoos loogu daadego, loona dhabo galo, dareenka shacbiga qabo, dooddaha siyaasiyiinta iyo Fagaareyaasha ay kaga faalooddaan falanqeeyayaashu.
Hees ka turjumaysa Dareenka Maanta ee Mucaaridka 2-aad ee Somaliland
Muuqaalkan hoos idiinka muuqan doonaa waa hees ay ku luuqaynayso Fanaannada Caddey Cali oo ka tirsanaan jirtay Kooxdii Waxbarashada Ee Hobolladii IFTIN, taasoo ay warbaahintu ku lifaaqday Sawirrada Daahir Rayaale, Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@gobanimonews.com